Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan si rasmi ah u guda gashay qorsheynta iyo qaabeynta doorashooyinka maamullada dalka, gaar ahaan Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, maadaama madaxda hadda joogta uu xilli hore ka dhammaaday muddo xileedka.
Villa Somalia ayaa bilowday dhaq-dhaqaaq culus oo la xiriira doorashooyinka saddexdaan maamul oo si dhow ula shaqeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee 2022-kii, waxaana qorshuhu yahay in doorashooyinka la guda galo dhammaadka sanadkan 2025, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta Madaxweynuhu uu la kulmay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan, isaga oo kala hadlay xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida deegaanka.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah Laftagareen ugala hadlay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka qof yo codka ah, wuxuuna ka dalbaday in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah u ogolaado Baydhaba, si ay halkaas uga sameeyaan ololahooda, maadaama ay furteen ururo siyaasadeed oo ka qayb-galaya doorashooyinka qof iyo codka ah.
Kulamada ayaa weli sii socda, waxaana qayb ka ah siyaasiyiin saameyn ku leh deegaannada Koonfur Galbeed, iyada oo dooduhu ay xooggan yihiin, maadaama ay taabanayaan doorashooyinka, lana filayo in dhawaan ay dhacaan isbeddalo waa wayn.
Dhanka kale, Galmudug iyo HirShabelle ayaa lamid ah, waxaana haatan ka bilowday dhaq-dhaqaaq culus oo Muqdisho ay ka wadaan siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannadaas oo raba in doorashada la aado, waxaana la geli doonaa maalmo adag iyo xaalad siyaasadeed oo culus.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddo dheer Xasan Sheekh lagu eedeynayay inuu hortaagan yahay doorashooyinka maamullada dalka, maadaama aad looga daahay, waxaana qodobkan uu kamid ahaa waxyaabaha xubnaha mucaaradka ay sida wayn ugu diidanaayeen dowladda.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan galeysa marxalad siyaasadeed oo culus, iyada oo ay weli jiraan khilaafaad gudaha ah, sida kan u dhexeeya Villa Somalia iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo mar hore kala furtay iyo tabasho kale oo ay qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.