Xog: Villa Somalia oo Rooble ku cadaadineysa inuu eryo Xijaar – Yaa lagu beddelayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku cadaadineyso in xilka laga qaado taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Khilaafka Villa Somalia iyo Jeneral Xijaar ayaa soo jiitamayey tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo sameeyeey muddo kororsigii fashilmay, markaasi oo Xijaar uu diiday inuu amro weerar lagu qaaday ciidamadii diidanaa muddo kororsiga ee Muqdisho soo galay, isaga oo booliska amray inay ku ekaadaan sugidda amniga.

Villa Somalia ayaan sidoo kale ku qancin fur furnaanta taliye Xijaar iyo raali gelintii uu siiyay Murashaxiinta Mucaaradka ah gaar ahaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo murashaxiin kale, kadib markii ay dhammaatay xiisaddii Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay damacsan tahay in taliyaha booliska Soomaaliya laga dhigo Janaraal Asad Diyaano si uu qorshaha Farmaajo uga hergeliyo degaanada Puntland.

Asad Diyaano oo ah Janaraal awood badan ayaa saameen weyn ku leh degaanada Puntland waxa uuna ahaa Murashaxii ugu adkaa ee tartanka la galay madaxweyne. Diyaano ayaa olole ka waday Muqdisho toddbaadyadii tegay.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay hada dejisay hoteel ku yaalo Airport-ka Muqdisho, waxaana la siiyay gaadiid iyo ciidan ka tirsan NISA oo amnigiisa suga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in uusan ilaa hada ka jawaabin codsiga ka yimid dhinaca Madaxweynaha lamana oga nuuca go’aan ee uu ka qaadan doono maadaama uusan Farmaajo laheyn sharciyad uu xil ka qaadis ama magacaabis ku sameeyo.