Waa kuma ninka labaad ee Xasan ‘dib ugu soo celinayo’ darajadiisa ciidanimo? – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan wada qorshe uu dib ugu soo celinayo darajooyinkoodii ciidanimo, qaar ka mid ah saraakiishii uu xuquuqdoodii uu ka xayuubiyey madaxweynihii ka horreeyey ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan arrintaan ayaa xeer madaxweyne uu xalay soo saaray wuxuu dib darajadiisii ciidanimo ee Booliska Soomaaliyeed ugu soo celiyey Saadaq Joon oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Haddaba waa kuma Jeneraalka labaad ee Xasn Sheekh dib ugu soo celinayo darajiisa ciidanimo?

Xog cusub oo uu bixiyey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu ku shaaciyey in uu socdo qorshe dib darajooyinkiisii ciidanimo loogu celinayo Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ahaa agaasime ku xigeenkii hore ee Hay’ada Nabad Sugidda.

Fiqi ayaa xusay in dhowaan uu rajeynayo in madaxweynaha uu qaado tallaabadaan, si markaas uu xuquuqdiisa u helo Cabdalla Cabdalla oo haatan dalka dib ugu soo laabtay.

“Jeneraal kale ayaa jiray oo Cabdalla Cabdalla la yiraahdo oo aan isagana rajeyneyno in darajooyinkiisa dib loogu celiyo,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa arrintaan ku macneeyey in ay tahay cadaaladdii oo si tartiib-tartiib ah u soo laabaneyso, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa caddaaladda oo dib ugu soo laabaneysa si tartiib-tartiib ah si loo helo caddaaladdii luntay oo dhan”. ayuu sii raaciyey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa isna ay horey isku qabteen Maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ayada oo markii dambane laga saaray xubinimadii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), wuxuuna kadib noqday nin dibad joog ah oo si aad ah u dhaliili jiray dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).