27.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Xog: Waa kuma qofka bedelaya C/Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay, oo aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha DF ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud oo u sheegay Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane innuu u magacaabayo xilka ra’iisul wasaaraha Somalia.

Ilahan Lagu Kalsoon yahay ayaa intaas ku sii daray in Madaxweynaha DF ah uu rajo ka qabo in Barlamaanka u codeeyo in Khilaafkii Isagga Iyo R/W Cabdiwali Sheekh Axmed uu soo afjaro midaas oo sida uu doonayo Madaxweynaha u dhaci doonta in ra’iisul wasaaraha uu waayo codka kalsoonida.

Dhan Kalle Ilahan ayaa sheegay in Xuseen Cabdi Xalane oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu horrey uga baxay ballanta Xilka Ra’iisul wasaaraha uu markan siiyey ballan-qaad adag.

Lama oga sababaha uu Madaxweyne Xssan Sheekh xilligan u doorbidayo Xuseen Cabdi Xalane, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Xasan Sheekh ay Dowlada Itoobiya kula talisay in Xuseen Cabdi Xalane oo saaxiib dhow la ah Dowlada Itoobiya u magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha.

Dowladda Ethiopia, ayaaiminka qeyb ka ah ololaha la doonayo in xilka looga qaado ra’iisul wasaare Cabdi Weli ee ka socda baarlamanka, hase yeeshee waxaa wax walba ka horeeya in lagu guuleysto xil ka qaadista Cabdi Weli.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News