26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

“Saacid wuxuu ku baxay lama shaqeyn karo, C/Welina midkaan ima anfacin”…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/fitaax Nuur mataan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka DF Somalia, ayaa waxa uu dhaliilay qaabka xilalka looga eryaayo Ra’isulwasaarayaasha dalka.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Shirdoon xilka looga qaaday waxqabad la’aan, halka R/W C/welina uu xilkiisa ku weynaayo waxqabad.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in mooshinka laga wado R/W C/weli uu ka horeyn doono in xukuumadda lala xisaabtamo, islamarkaasina uusan mooshinka ku iman qaab sharciga waafaqsanayn.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “R/W C/weli waxa uu noqonayaa kii labaad ee xukuumadaani soomara, ma qaadan doono in madaxda loo bedelo si kam ah iyo kan ima anfacin ha la’iga badalo”

Xildhibaan C/fitaax Nuur mataan waxa uu sidoo kale, sheegey in Ra’isulwasaaraha ku taaganyahay wadadii sharciga ahayd, xaqna u leeyahay in golihiisa wasiirada isku shaandheeyo.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in xilalka dalka loo adeegsado nin jecleysi, waxa uuna cadeeyay in mooshinka ay ku saxiixanyihiin xubno wasiiro ah oo aanan xilkoodii wasiirnimo iska casilin, taasina ay tahay sharci daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News