Xog: Waa maxay ujeedooyinka qarsoon ee GAAS iyo Boqor Burhaan ka lee yihiin shirka Qardho?!

Boosaaso (Caasimada Online) – C/weli Gaas iyo Burhaan Boqor Muuse oo lagu tuhmay inay ujeedooyin siyaasadeed ka leeyihiin shir lagu wado in duubabka dhaqanka Soomaaliyeed loogu qabto Qardho.

Magaalada Qardho ee gobalka Bari ayaa hore loo shaaciyey in lagu qaban doono shir uu codsaday Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa haatan waxaa soo baxaya tuhun laga qabo ujeedooyin qarsoon oo uu ka leeyahay Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah duubabka dhaqanka ee beelaha Soomaalyeed ayaa bishii Juun ee sanadkaan waxa uu magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu Qardho ku qabanayo gogol nabadeed oo ay kasoo wada qeyb geli doonaan salaadiinta Soomaaliyeed, taasoo waqtigeedana uu ku beegay marka laga soo laabta munaasabada xajka ee sanadkaan 2015.

Codsiga iyo casuumada Burhaan ayey si laab furan ku soo dhoweeyeen odayaal dhaqameedyada beelaha Muqdisho ee uu la kulmay, waxaase hada soo baxaya shakiyo laga qabo in shirku uu yahay mid ujeedooyin badan ay ka leeyihiin Cabdiweli Gaas iyo Burhaan boqor Muuse.

Dhinaca Cabdiweli Gaas waxaa uu doonayaa inuu beesha caalamka u muujiyo inuu yahay nin saameyn weyn ku leh dhaqanka iyo siyaada, waxa kale oo uu doonayaa inuu dhiso gole dhaqan Soomaaliyeed oo isagu uu dusha ka hago.

Dhanka boqor Burhaan waxa uu daneyayaa rajo aad u weyna uu ka qaba in odayaasha uu ku qalqaaliyo in la dhiso golaha dhaqanka Soomaaliyeed kaasoo leh gudoomiye hogaamiya, waxaana uu doonaya in isaga gudoomiye laga dhigo maadaama uu yahay ninkii gogosha fidiyey, Burhaan ayaa taas hadii uu helo waxaa u suuro galeysa in uu si toos u sheegto boqorka boqorada Soomaaliyeed isla markaana uu gacan weyn siiyo Cabdiweli gaas oo hami ka leh inuu hago siyaasada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com