R/W CC Sharmaarke “Aniga badda SOMALIA ma iibsan meeshii lagu iibinayayna ma aan joogin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay arrinta soo laalaabatay ee Badda Somalia.

Ra’isul wasaaraha dalka ayaa sheegay inuusan jirin heshiis badda Soomaaliya lagu iibiyey oo uu la galay Dowlada Kenya sanadii 2009.

Ra’isul wasaare Cumar waxa kale oo uu dafiray in isaga iyo xukuumada KMG ahayd ee uu madaxda ka ahaa in 2009 kii ay soo bilabeen arinta Badda waxa uuna sheegay in Kenya ay sheegashada Badda Somalia ay soo bilowday 2009 balse uu kamadax-banaanyahay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri Ra’isul wasaaraha in Badda ay Somalia leedahay ka badan tahay midda Caalamiga ah ee 200NM ah, waxaana uu sheegay in Badda Somalia ay tahay 350NM islamarkaana hadda ay doonayaan in ay ku soo koobaan 12NM kaliya taas oo uu sheegay in ay tahay meel ka dhac .

Waxa uu iska fogeeyay kaalintii uu ku lahaa iibsashada Biyaha Somalia, waxa uuna Khatartaasi dusha ka saaray Dowladii C/llahi Yuusuf iyo kuwii kasii horeeyay.

Sidoo kale, waxa uu carabka ku dhuftay in Muranka Badda Somalia loo xil saaray shaqsiyaad gaar ah, islamarkaana isaga uu xiligaani arrintaasi ka yahay mid banaan joog ka ah.

Dhanka kale, waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray in DF Somalia xili waliba ay ku kalsoon tahay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee lagu wareejiyay isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Somalia ay guul ka soo hooyn doonto Dacwaddaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com