Xog iyo Gorfeyn: Dal ay dadkiisu (C/Weli Gaas & Axmed Madoobe): iibsadeen dawo ma leeyahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo inta badan Mas’uuliyiinta Hogaanka u heysa Gobolada ay yihiin kuwo aysan kusii fogeyn wadaniyada hadana waxa ay goobaha Munaasabadaha ka sheegan in Qaranka Somalia uu yahay mid muqadas ah.

Hogaamiyayaasha Gobolada oo aan ka dhisneyn Siyaasada, sharciyada, wadaniyaha iyo hogaanka ayaa baryahaani danbe lasoo shartagay ka qeybqaadashada carqaladeynta Qaranka iyo midnimada Somalia.

Waxa ay abuureen is baheysiyo laf dhabar u ah kala geynta Bulshada iyo Dowladnimada iyaga oo u xuubsiibanaayo in Siyaasada Somalia ay u iibgeeyan Dowladaha dariska la ah Somalia sida Kenya iyo Ethiopia.

Hogaamiyayaasha Jubba Axmed Madoobe iyo Puntland C/weli Gaas ayaa kaalinta koowaad ka galay bogga madow ee Somalia marka loo eego maja-xaabinta Qaranka Somalia waxa ayna caalamka u muujinayaan inay buuxin karaan kaalimaha lagu iibgeynaayo Somalia, hayeeshee oohinta orgeyga ka weyn!

Waxa ay arbushaad ka dhex wadaan dalka Somalia min caasimad ilaa Gobol, waxa ayna isku baheysanayaan sida Somalia looga masixi lahaa Qaarada Africa wallow ay taariikhdu tahay mid aan isbedeleynin inta uu aadmigu ku noolyahay koonka aan ku suganahay.

Gaas iyo Axmed Madoobe waxa ay damac ka dhigteen in Siyaasada Somalia ay midab uga dhigaan dhiig iyo burbur, iyaga oo ku taamayo in talada Somalia la hoosgeeyo.

Dowladaha dariska la ah Somalia ayaa shaqsiyaadkaasi ku garbineysa carqaladeynta Somalia, si meesha looga saaro awoodaha DF Somalia kuwa muuqda iyo kuwa qarsoon.

Waxaa sidoo kale jiro shaqsiyaad gacan ku ganbat ah oo iyaguna naas-nuujinaayo labada Hogaamiye kuwaasi oo ka tirsan BF Somalia, inkastoo aan qoraal kusoo qaadan karin magacyadooda.

Tan iyo markii ay dhalatay sanadka 2015 ayaa waxaa sii xoogeysanaayay awoodaha Maamul Goboleedyada oo iyagu ka faa’iideysanaaya daciifnimada DF Somalia oo ku dhisan hab qabiil iyo adeecida Odayaal dhaqmeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com