Ciidamada Axmed MADOOBE oo rayid xasuuqay

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Jubba ayaa lagu soo waramayaa in dad rayid ah ku dileen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo xarun u ah maamulka KMG ah ee Jubba ee Axmed Madoobe.

Ku dhawaad seddex ruux ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay bartamaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubba Hoose, sida dad goobjoogayaal ah saxaafada ay u xaqiijiyee.

Dilka seddexda ruux ayaa ka dambeeyay kadib markii askari ka tirsan ciidamada Nabad sugida maamulka Jubba uu rasaas ku furay gaari nooca Raaxada oo dadka ay la socdeen.

Lama oga sababta ka dambeysay, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya iney u badan tahay inuu ka shakiyay gaariga oo marayay bartamaha magaalada Kismaayo.

Rasaasta uu furay askariga ka tirsan maamulka Jubba ayaa sidoo kale la sheegay iney ku dhaawacmeen ku dhawaad labo haween ah oo marayay goobta.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com