Xog: Shirkii Garoowe oo Kenya loo wareejinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyay wadahadaladii fashilmay ee magaalada Garoowe ku dhexmarayay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxay qorshe kale oo lagu dhameyn karo khilaafkaasi.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in wadahadaladaasi la qorsheynayo in loo wareejiyo magaalada Niarobi ee dalka Kenya halkaasi oo ay isku arki doonaan madaxweynaha Puntland C/welli Maxamed Cali, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.

Sidoo kale xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in kulankaasi uu ka qeyb gali doono madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kaasi oo ra’iisul wasaaraha uu ugudbiyay natiijada kulankii ka dhacay magaalada Garoowe.

Qorshaha Shirka wadahadalka loogu wareejinayo magaalada Nairobi waa wadata dowlada Kenya, waxaana iminka la doonayaa in laga dhaadhiciyo madaxweynaha Puntland C/welli gaas oo ku sugan magaalada Kenya Caasimada u ah ee Nairobi.

Puntland iyo Jubbaland ayaa khilaaf uu kala dhaxeeyaa dowlada Soomaaliya, waxaana khilaafkaasi uu horseeday in is xulufeysi ay sameeyaan madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com