Maxkamadda cadaaladda ee ICJ oo soo saartay WAR ku saabsan arrinta BADDA SOOMAALIYA !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Bishan July 13-dii ayey ahayd markii ay Dowladda Federalka Somalia u gudbiyeen Maxkamadda Calaamiga ee Caddaaladda “The International Court of Justice” ee ICJ dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya, kuna aadan muranka milkiyadda xuduud-baddeedka Indian Ocean.

Sarkaal ka tirsan Maxkamadda ICJ ayaa u xaqiijiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya inay Dowladda Somalia soo gudbisay Dukumentiyo ay ku sheeganayso Lahaanshaha xuduud-baddeedkaasi, isla markaana lagu kala baxo Sharciga Caalamiga.

Sarkaalka oo aan magaciisa la shaacinin kana tirsan Waaxda Warfaafinta ee Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa sheegay inay Dowladda Somalia soo buuxisay gal-dacwadeedkeeda xilligii kama dambeynta ee loo qabtay.

Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay iyagana Dukumentiyadda ay ku sheeganayo milkiyadda xuduud-baddeedkaasi u gudbiyaan Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ugu dambeyn bisha May 27-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Muran-baddeedka u dhexeeya Somalia iyo Kenya ayaa waxaa uu socday muddo 6-sanno ah, iyadoo xuduud-baddeedkaasi cabirkiisu ka badan yahay 100-KM oo isku wareeg ah, kaasi oo la sheegay inaay ka buuxaan Shidaalka iyo kheyraadka kale ee dabiiciga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com