Gaas oo taageeray in Badda Somalia ay u gacan gasho Kenya iyo sir badan oo uu siiyay KENYA !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha  Maamulka Puntland C/weli Gaas oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday inuu ka hadlo muranka Badda Somalia ee u dhexeeya DF Somalia iyo Kenya.

Gaas oo kulan gaar gaar ah la qaatay Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada Kenya, ayaa sheegay in DF Somalia ay wado xadgudubyo ka dhan ah Dowlada Kenya waxa uuna sheegay in DF Somalia aysan mudneyn inay ka hadasho arrimaha Badda Somalia.

Gaas ayaa kulamadaasi ku qanciyay Dowlada Kenya waxaana la soo warinayaa in kulan kaasi lamid ah uu la qaatay Khubarada Dowlada Kenya ay u diyaarisay ka doodida muranka Badda kuwaasi oo uu ku saaciday shaxda ay uga itaal roonaankaraan DF Somalia oo iyadu xoojineyso muranka Badda, waana tan keentay in Keynya ay Ciidamo iyo Maraakiib usoo daabusho badda gaar ahaan qeybta uu muranka ka taagan yahay.

Sidoo kale, Gaas ayaa waxa uu Magaalada Nairobi ku qaabilay Siyaasiyiin kasoo kala jeeda deegaanada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi barri ee dalka Kenya, waxa uuna u cadeeyay inaysan Dowladda Somalia xaq u lahayn inay ka hadasho Qaddiyadda Badda, kuna tumatay Sharciga iyo Dastuurka Qaranka.

Waxa uu kulankaasi ka dhex sheegay in Muranka badda Somalia keliya lagala tashan karo Maamulka Jubbaland, oo uu sheegay inay mas’uulka yihiin badda ku teedsan gobolka Jubbada Hoose, waa sida laga xigtay Madaxweyne Gaas oo isagu carada kala dhexeysa DF Somalia awgeed ula saftay Dowlada Kenya.

Kulamada Gaas uu la qaatay Mas’uuliyiinta Kenya iyo kuwa Gobolada Somalia kasoo jeeda ayaa u muuqanaayo mid uu ku muujinaayo in Badda Somalia loo xalaaleeyo Dowlada Kenya, waxaana taasi laga dheehankaraa Casuumada ay u fidisay Kenya xili maalmo un ka hor Nairobi uu kasoo laabtay Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.

Dowlada Kenya ayaa Badda Somalia u bedeshay Mashruuc ay dhaqaale ugu abuureyso Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo iyagu ku taamaayo inay dhaqaale ka dhex abuurtaan muranka taagan.

Geesta kale, Dowlada Kenya oo ku hingowday muranka taagan ayaa waxa ay wadaa qorsho ay ku kaalmeysaneyso Labadaani maamul ee ka gudbay xeen-daabka Siyaasada, Qaranimada iyo Soomaalinimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com