CCC oo ka carreysiiyey Puntland kadib markii uu mowqif aan la fileyn ka qaatay arrinta MUDUG !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, ayaa markii ugu horeysay runta u sheegay shacabka iyo madaxda maamulka Puntland, kadib markii uu sheegay in murunka Galmudug iyo Puntland uu yahay gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in maamul walbaa uu sheegtay inuu leeyahay gobolka Mudug, taasi oo keentay qaladka iyo murunka iminka ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Galmudug, sida uu sheegay.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay in maamulka Puntland dhankooda ku qaldan yihiin iney dastuurka ku qortaan lahaanshaha gobolka Mudug oo dhan, maadaama gobolka Mudug aysan gacanta ku wada heynin.

Sidaasi si lamid ah ayuu sheegay in maamulka Galmudug dastuurkooda ku qoreen lahaanshaha dhulka Mudug oo idil, taasina ay keentay isfahamwaa maadaama maamul walbaa dastuurkiisa ku qoray lahaanshaha gobolka Mudug.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in xal ay ka keeni doonaan arintaasi ayna gudi u xilsaari doonaan, ama gobolka Mudug look ala bixin doono, Mudugta Koofureed iyo Mudugta Waqooyi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com