Wikileaks oo kashifay SIR xasaasi oo laga dhex helay madaxtooyada HARGEYSA (Arrin yaab leh)

Hargeysa (Caasimada Online) – Ilo xogogaal ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Ethiopia ay xafiisyo ka dhex furteen Aqalka Maamulka Somaliland looga arimiyo ee Magaalada Hargeysa.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Saraakiishaasi ay Aqalka la dageen qalab farabadan oo loo adeegsado dhageysiga Teleefoonada, jabinta Emailada iyo Basaaska shaqsiyaad ka tirsan Ganacsatada iyo Maamulka Somaliland.

Warbaahinta Wikileaks ayaa shaacisay xogta ku aadan dhageysiga iyo basaasida cusub oo ay isla daadihinayaan Madaxtooyada Somaliland iyo Dowlada Ethiopia.

Fashilinta sirtaani ayaa timid kadib markii ay jabsadeen banaankana soo dhigeen in ka badan hal milyan oo email oo ay lahayd shirkadda Talyaaniga ah ee Hacking Team , taas oo dawladaha u samaysa barnaamijyo Software iyo Malware-ba isugu jira oo lagu basaaso xiriirka is-gaarsiinta iyo isu-tabinta xogaha.

Qalabkan lagu basaasaayo shacabka iyo madaxda Maamulka Somaliland ayaa waxaa samaysay shirkad Talyaani ah oo lagu magacaabo Hacking Team sida ku cad qoraalo sir ah oo ay 8/7/2015 faafisay shabakadda wikileaks waxaana shirkadda Hacking Team ka codsaday sargaal sare oo shirkad is-gaarsiineed oo Somaliland laga leeyahay u qaabilsan arrimaha farsamooyinka (Chief Technical Officer), kaas oo sheegay in Maamulka Somaliland oo uu ka wakiilyahay ay ka dalbatay keenista qalabkaasi.

Sargaalka matalayey shirkadda is-gaarsiinta waxaa kale oo uu codsigiisa oo ku taariikhaysan October 30, 2012-kii ku sheegayaa inay gacanta ku hayaan hawlo-basaasnimo oo ay xukuumadda u fulinayaan, kuwaas oo ay doonayaan inay uga faa’idaystaan khibradda Hacking Team u leedahay arrimahan oo kale, inkastoo waqti danbe gadaal laga ogaaday in dhaqaalaha iyo fakirka ay leedahay Hay’adda Sirdoonka Ethiopia oo iyadu xafiisyo laga dhex dajiyay Madaxtooyada Maamulka.

Baashe Cawil oo ahaa ninka shirkadda is-gaarsiineed ee maxaliga ah la waday hawshaasi ayuu madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo laba todobaad ka hor u magacaabay wakiilka Somaliland u fadhin doona magaaladda Abu-dabey ee dalka Imaaraadka.

Maamulka Somaliland ayaa farakulul ku heysa shirkadaha Telefoonada, Jabsashada Emailada shaqsiyaad gaar ah iyo Basaaska.

Warar kaasi ka duwan ayaa tibaaxayo in Ethiopia ay xiriir hoose la sameysay Shirkadaha Telefoonada ugu quwada badan Hargeysa si ay uga qeybqaatan hadii ay suuragal tahay inay sahlaan dhageysiga Telefoonada dhamaan Somalia iyada oo u adeegsaneysa shirkadaha kale ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Dowlada Ethiopia ayaa hagardaameyneysa guud ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida iyada oo u adeegsaneysa hab Basaasnimo, waana tan keentay in Somalia ay kala irdhowdo.

Xaalka ayaa ah mid faraha kasii baxaayo bacdamaa Somaliland ay sahleyso bixinta xogaha sirta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com