Madaxweyne Xasan Sheekh oo golaha wasiirada DFS kala hadlay ARRIN culus oo ku soo fool leh!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka qeyb galay shirkii Golaha wasiirada oo ahaa mid degdeg la isugu yeeray  golaha wasiirada oo aan caadi ahayn, waxaana la sheegay inuu shir guddoomiyay madaxweynaha.

Kulanka ayaa looga dooday qorshaha dowladda ee dib u eegista miisaaniyadda 2015 iyo shirka lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho dabayaaqada bishan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka (High Level Partnership Forum HPLF).

Shirkan oo maamulada dalka ka jira kasoo qeyb galayaan ayuu madaxweynuhu Golaha wasiirada ku booriyay inay doorkooda qaataan oo qorshe cad la yimaadaan.

Madaxweynaha ayaa u sheegay golaha wasiirada in loo baahan yahay in Golaha Wasiirrada ay la yimaadaan siyaasad horumarsan oo lagu dhaqaajiyo barnaamijyada horumarinta ee dowladu wado, wuxuuna ku booriyay inay wada shaqeeyaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa herdan kula jirta maamul goboleedyada dalka ka jira oo iyagu doonaya inay dowladda kala wareegaan arrimaha hiigsiga cusub.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa lagu ansixiyay talo soo jeedinta barnaamijka dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2015.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com