27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Xog: Wadahadallo qarsoodi ah oo u billowday maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Nairobi si hoose uga bilowday wadahadalo lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka ka dhaxeeyo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo gacanta ku heyso inta badan deegaanada Galgaduud.

Wadahadalaan oo u muuqdo inay yihiin kuwa qarsoodi ah ayaa lasoo sheegayaa inay ka bilowdeen Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxaana howshaas wado ganacsado iyo siyaasiyiin Caan ah.

Waxaa Magaalada Nairobi hadda si wadajir ah ugu sugan Hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljameeca  Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Labada Mas’uul ayaa yeeshay wadahadladii ugu horreeyey, waxaana la filayaa inay wadahadaladaan noqon doonaan bilow fiican oo lagu doonayo in lagu soo dhameeyo Khilaafka Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.

Sida wararka Nairobi laga helayo sheegayaan labada Mas’uul ayaa ka wada hadli doono qaabka ugu fudud ee xal loo helo karo isla markaasna loo dhisan karo Maamul loo dhan yahay, lamana saadaalin karo natiijada kasoo bixi karto wadahaladaan,

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu fashilmatay wadahadal ay ka dhex bilowday labadaan dhinac ka hor inta aysan dhicin doorashadii Madaxweynaha Galmudug ee uu kusoo baxay Axmed Ducaale Geelle Xaaf,  waxayna dowladda Muqdisho isugu keentay madaxda ugu sareyso Ahlu Sunna iyo Galmudug, balse markii dambe wuxuu dadaalkaan kusoo dhamaaday Fashil.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku sheegay sababta uusan ilaa hadda usoo dhisin gole wasiiro inuu doonayo inay qeyb ka noqdaan Ahlu Sunna Waljameeca isla markaasna uu isaga ka shaqeyn doono sidii maamulkiisa loogu soo dari lahaa.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

 

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News