Imisa shil ayey ciidamada AMISOM ka geysteen Muqdisho 4-tii sano ee lasoo dhaafay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka Jeneral Cali Xirsi ”Cali Gaab” oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa si qoto dheer u sharaxay dhibaatooyinka ay ciidamada AMISOM ku heyso gaadiidleyda.

Cali Gaab, waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay si fool-xun ula dhaqmaan dadka shacabka, waxa uuna sheegay in muddo kooban ay ku geysteen shilal aad u badan.

Mar wax laga weydiiyay cadadka Shilalka ay geysteen ciidamada AMISOM ayuu sheegay inay gaarsiisan tahay 500 oo shil, kuwaa oo ku dhacay muddo afar Sano gudaheeda.

Cali Gaab, waxa uu intaa raaciyey in ay jiraan dad badan oo aan wali helin wax magdhow ah haba ugu badnaaden kuwa laga burburiyay gaadiidkooda.

Gaadiidka ugu badan ee Shilka la gala kuwa AMISOM ayuu sheegay Cali Gaab inay yihiin kuwa BL-ka, Bajaajka iyo Kuwa raaxada.

Sidoo kale, Taliyaha Taraafikada Jeneraal Cali Gaab waxa uu sheegay in AMISOM aysan sharciga dalka ka weyneyn isla markaana lagula xisaabtami doono khasaaraha ka dhasha shilalka ay geystaan isaga oo dhinaca kalana dadka ka codsaday in aysan siyaasadeyn shalalka AMISOM.

Haddalka Cali Gaab ayaa imaanaya xili todobaadyadii ugu danbeeyay ay ciidamada AMISOM sara qaadeen Shilalka ay u geysanayaan Shacabka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com