Xog: Wafti Imaaraati ah oo wadahadal ka galay dekad 3-aad oo Soomaaliya ah

Badhan (Caasimada Online) – Wafti ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo shalay booqasho ku bixiyey deegaano ka tirsan Puntland iyo Somaliland, ayaa tagey deegaanka Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay wada-hadallo ku yeesheeyn.

Waftigan ayaa deegaanka kula kulmay Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam oo ah suldaanka guud ee beesha Warsangeli, ee degta gobolka Sanaag, halkaasi oo wada-hadallo ay kula yeesheen isaga iyo dadka deegaanka.

Wada-hadallada ayaa la sheegay inay ku qotomeen sidii Imaaraadka Carabta ay maal-gashi ugu sameysan lahaayeen dekedda magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Si kastaba, booqashadan ayaa la sheegay inay aad uga carreysiisay maamulka Somaliland, ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi, oo u arkay mid Imaaraadka ku bahdilay Somaliland, oo isaga oo aan la tashana wada-hadal ka galay dekad kale.

Deegaanka Badhan ayaa waxaa wada sheegta Somaliland iyo Puntland, mana jirto cid si gooni ah gacanta ugu haysa.

Imaaraadka Carabta ayaa horey heshiisyo ula galay maamullada Somaliland iyo Puntland, ayaga oo la wareegay dekadaha Berbera iyo Boosaaso, oo shirkadda DP World ay heshiis min 30 sano ku xaqiiqsatay.

Heshiisyadaas ayaa waxaa horey u diiday dowladda Soomaaliya, waxaana kadib laalay baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Ceerigaabo
caasimada@live.com