Xog-waran: Maxay Somalia uga dhigan tahay Shirka wadamada Islaamka iyo Maraykanka?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” oo ku sugan dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha Ciidamada Cirka ee Boqor Salmaan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa ku xigeenka Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Maxamed Ibnu C/raxmaan Bin C/casiis, kadibna waxa uu Qasriga Boqortooyada ku qaabilay Boqorka Dalkaasi Boqor Salmaan, waxayna si weyn iskula soo qaadeen Xiriirka fog ee ka dhaxeeya labada Dal ee Walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi u tegay si uu uga qeybgalo shirka Madaxda dalalka Islaamka iyo Mareykanka, kaasoo inta badan diradda lagu saaray la dagaalanka Kooxaha argagaxisada ah ee ku faaftay dhammaan daafaha Dunida, waxaana Shirkaasi furay Boqorka Wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan, waxa uuna soo dhaweeyay in Dalkiisa uu hormuud u noqdo, islamarkaasna laga dhiso xaruun lagala dagaalamo Argagixisada, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah caalamku u wajaho, ayna horboodaan Wadamada Islaamka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay dalalka Muslimka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish iyo kuwa la halmaala, isagoo hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo Muslimta ee ka qeybgalaya kulanka ka dhacaya Magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd “dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”, waa sida uu hadalka u dhigay.

Trump, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo Waddamo isbahaysi ah, kuwaa soo wadaaga hadafka ah cirib tirka xagjirnimada, wuxuuna taa ka yiri:-“Tani ma aheyn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan, ee tani waa dagaal u dhexeeya dambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo”.

Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Donald Trump oo lix wadan oo Muslim ah oo ay ka dhaceen weerarro argagixiso ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaan adeegsan halku dhagiisii ahaa “Argagixisada Asal-Raaca Islaamka ah”, kaasoo ah mid si joogto ah ugu jira khudbadihiisa dalkan Maraykanka, taa beddelkeeda ayuu hoggaamiyaasha Muslimka ugu baaqay inay si hagar la’aan ah uga hortagaan argagaxisada, wuxuuna yiri “dhibaatooyinka xag-jiriinta Muslimka ah iyo kooxaha Islaamistayaasha ah ee ay dhiirragaliyaan”.

Shirkaasi ayay Wadamada Islaamku aad ugu dhegataagayeen waxa uu ka dhihi doono Madaxweynaha Wadanka Maraykanaka oo lagu yiqiin hadallo meel ka dhac ku ah Dadyoowga Islkaamka, balse waxa uu la yimid arrimo taasi ka duwan waloow lagu yaqaan Nin isbed-bedel badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgalay ayaa si gaar ah ula kulmo qaar ka mid ah Madaxda shirkaasi ka qeybgaleysa oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Trump, waxayna isla soo qaadeen arrimo khuseeya labada wadan iyo labada shacab, iyadoo Trump uu ku casuumay Mudane Farmaajo inuu socdaal ku tago Aqlka cad ee Magaalada Washinton, iyadoo casuumadaasi ay si rasmi ah u soo bixim doonto marka uu Trump ku laabto Dalkiisa.

Shirkaasi ay wada yeesheen Madaxda Wadamada Islaamka iyo Marakanka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad u xasaasi ahaa, waxaana aad looga dhawaajiyay Argagaxisada iyo sida loola dagaalami karo, iyadoo Dalka Sacuudiga laga sameeyay xaruurta isku xirka la dagaalanka Kooxahaasi.

W/Q. Cabdullahi Ruush

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com