Xog-warran: Farmaajo oo 2 sano gudahood laga sugayo laba arrin midkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu isbedel ku sameeyo xaalada Somalia oo aan caga ku taagneyn.

Isbedelada la hadal hayo inuu sameynaayo Madaxweynaha dalka ayaa waxaa kamid ah Amniga, Dhaqaalaha, Cadaalada iyo Horumarka Somalia.

Madaxweynaha Cusub ayaa ballanqaaday in dalka uu ka dhalin doono Cadaalad lagu diirsada waxa uuna sidoo kale sheegay in muddo kooban uu wax uga qaban doono xaalada murugeysan ee ka jirta Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa leys weydiinayaa isbedelada uu la imaan doono Sanadka ugu horeeya oo si xooli ah ay ku shaqeyn doonto Dowladiisa waxa ayna dadku hadal hayaan in sanadka koowaad uu Madaxweynaha lagala kulmi doono laba arrin midkood.

1-Madxaweyne Farmaajo oo ku jira tijaabo ayaa laga sugayaa in sanadka koowaad uu la imaado isbedel lagu xaqiijinaayo dhammaan howlaha ay shacbiga uga baahan yihiin fulintooda.

2-Madaxweyne Farmaajo ayaa la mid noqon doona kuwii ka horeeyay iyadoo ay suuragal noqon doonto in caqabado ay ka hor istaagan dhaqaajinta Dowlada cusub, maadaama kuwii ka horeeyay ay sameyn waayen guulihii laga filaayay.

Marka la’eego qorshooyinka Madaxweynaha waxaa kamid ah inuu beenin doono wararka sheegaya in Somalia aan laga sameyn karin Isbedel iyo Horumar.

Dadka dhaliilsan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa qaba in Madaxweynuhu uusan la imaan doonin isbedel ka duwan kuwii ay sameeyen Madaxweynayaashii hore.

Waxa ay qabaan in Caqabada ugu horeysa ee soo waji doonta Madaxweynuhu ay noqon doonto Faragalinta Shisheeye, maadaama Shisheeyuhu ay adeegsan karaan Awoodo qarsoon oo ay kamid tahay Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dowlada Cusub.

Dadka qaar ayaa qaba in awooda Madaxweynaha ay soo shaac bixi karto 2 sanno gudaheeda, iyagoo carab dhabaaya in Somalia ay ka bixi doonto dhibaatada ama ay kusii nagaan doonto dhibta.

Saciid Maxamed Nuur oo kamid ah dadka bartay Siyaasada ayaa qaba in Madaxweyne Farmaajo uu heysto wakhti ku filan, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inuu qabo in 2 sanno gudahooda uu ku qabankaro wax muuqda, waa haddii uu xakameeyo faragalinta Shisheeyaha.

Saciid waxa uu sheegay inaanu waxqabad laheyn Dowlad aan tageero ka heysan Shacbkeeda waxa uuna carabdhabay in Dowlada Madaxweyne Farmaajo ay tahay tan ugu shacbiyada badan marka la’eego Dowladihii hore ee dalka soo maray.

Wuxuu tilmaamay in Dowlada ay ka dhowr sugayaan 2Sanno ee ugu horeysa oo ay heysato fursadaha ugu badan oo soo maray Dowlad cudoon ah.

Shacbiga Soomaaliyeed ayaa dhagaha u raaricinaaya isbedelada ay sameyneyso Dowlada Cusub, inkastoo ay saadaalinayaan in Dowladaani ay imaaday xiligii loo baahnaa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa si hordhac ah Shacbiga Soomaaliyeed u tusay awoodiisa Madaxweyninimo, waxa uuna qaaday talaabooyin ku xeeran Noloshada Shacabka, walow aan la saadaalinkarin sida ay noqon doonto laba Sanno kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com