Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf ka dhashay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dhex oogan xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo senator Abshir Bukhaari, xilli Fiqi lagu eedeeyey inuu ka baxay heshiis labada nin u dhaxeeyay iyo ballan uu sameeyey.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Abshir Bukhaari uu dareemayo in Fiqi uu dhabarka ka toogtay kuna ceebeeyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda Damu-Jadiid, oo ballan uu horey ula galay.
Labada nin ayaa ka wada tirsan kooxda Aala Sheekh, hase yeeshee Bukhaari ayaa taageeraya Xasan Sheekh, halka Fiqi uu taageerayo Shariif Sheekh Axmed.
Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sheegay inuu jiray heshiis horey u dhex maray Fiqi iyo Bukhaari oo ka wakiil ah kooxda madaxweynaha, kaasi oo horey looga caawiyey Fiqi inuu xildhibaan noqdo, beddelkeedna laga doonayey inuu madaxweynaha taageero.
“Fiqi markii uu xildhibaan noqday, ee laga caawiyey inuu ka adkaado Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ah nin lacag badan haystay, waa u ka baxay ballanta, wuxuuna dib ugu laabtay kooxdiisa Aala Sheekh” ayuu yiri qof ku dhow Bukhaari, arrintanna xog ogaal u ah, oo la hadlay Caasimada Online.
Si kastaba, xubno ku dhow Fiqi ayaa ku gacan seeray eedeymahan.
“Waa ay adkeyd in qof aan taageersaneyn Xasan lagu soo doorto Cadaado. Fiqi wuxuu sameeyey wixii uu ku qasbanaa, waayo Cadaado kama jirin caddaalad. Si uu xildhibaan u noqdo waa ku qasbanaa inuu iska xaal mariyo kooxda madaxweynaha” ayuu yiri qof ku dhow Fiqi oo la hadlay Caasimada Online.
Khilaafka labada nin ayaa sidoo kale saameeyey xubno kale oo ka mid ah xildhibaanada Aala Sheekh, una kala jabay labada dhinac, inkasta oo xildhibaano badan aysan ku lahayn baarlamanka.
Fiqi ayaa hadda ka mid ah xildhibaanada horboodaya isbaheysiga xildhibaanada is-beddelka doonka ah ee ay ka go’an tahay inaan Xasan Sheekh dib loogu soo dooran hoggaanka dalka, ayaga oo ku eedeeyey inuu afar snao dalka ka lumiyey.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]