Xog-warran: Laba arrin oo ka dhalan karta mooshiinkii xilka looga qaday XAAF

Xubnaha baarlamaanka Galmudug ee fadhiya Cadaado ayaa xilkii madaxweyne ee maamulka Galmudug ka xayuubiyy Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Dhacdan oo noqoneysa markii labaad ayey ku soo aadeysaa xilli si muran ku jiro isna xilkii looga tuuray gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacan Casir.

Hase ahaatee, dhaq dhaqaaqan iyo xasaradahan siyaasadeed ee Galmudug maxaa ka dhalan kara? Hoos waxaan ku soo koobeynaa laba arrimood oo laga fili karo dhacdooyinkaas.

1 – Xaaf oo sidaas kugu daayey

Axmed Ducaale Geele Xaaf tan iyo markii uu bedelay Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxa uu ka dhammaan waayey muran iyo is jiid jiid siyaasadeed oo kala dhexeysa ku xigeenkiisa iyo gudoonka baarlamaanka. Mar waxaa sidan oo kale looga qaaday xilka balse ismarin waa siyaasadeed ayuu xilkiisii ku sii adkeystay.

Hase ahaatee, maanta reer Galmudug waxaa u caddaatay in Xaaf xal u ahayn Gamudug mana filayaan in uu ka soo kaban doono xilka qaadista hadda lagu sameeyey, maadaama arrinta Galmudug gaartay meel aad u liidata, loona baahan yahay xal waara.

2 – Xubnaha baarlamaanka ugu jira DF oo ka raja dhigay hoggaamintiisa

Xubnaha barlamaanka dowladda Federalka ugu jira Galmudug ayaa xoogooda isugu geeyey in ay Xaaf bad baadiyan khilaaf siyaasadeedkii kan ka horreeyey balse sida maanta ka muuqatay qoraallo ay soo dhigeen Facebook, xataa iyaga quus ayey ka joogaan hoggaan xumada Xaaf.

Xaaf ayaa intii uu xilka hayey kusoo ururay oo kaliya khilaaf, safari joogto ah iyo loolan uu la galo dowladda dhexe, isaga oo raacsan Gaas iyo Axmed Madoobe, oo haysta maamullo aysan cidna uga daba-hadli karin ama kiisa ka horumursan, waxaana Xaaf garan waayey danta dadkiis iyo deegaankiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com