26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog-warran: Yaa ka daacadsan madaxweyne Farmaajo kadib tallaabadii uu qaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa daba-gal ku sameysay lacag 30,000 oo dollar ahayd oo ka timid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo habeen hore lagu wareejiyey guddiga abaaraha.

Lacagtan ayaa soo shaac baxday markii uu taleefishinka qaranka ka sheegay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre in madaxweynaha uu usoo dhiibay 30,000 oo dollar oo hadiyad ahaan loogu keenay qoyskiisa.

Ilo-wareedyo ku dhow madaxweynaha iyo dad arrintan xog ogaal u ah oo ay Caasimada Online la hadashay kadib ayaa waxaa inoo soo baxay macluumaadkan.

Lacagta iyo agab kale ayaa waxaa qoyska madaxweynaha hadiyad ahaan ugu keenay nin ganacsade ah oo ay isku dhow yihiin, ayada oo aanu madaxweynaha ka war-hayn, sida ilo-wareedyada ku dhow ay sheegeen.

Madaxweynaha ayaa markii loo sheegay arrintan, waxa uu durba ka dhawaajiyey inysan sax ahayn in lacag hadiyad ahaan loo bixiyo, sidaas darteedna uu dalbaday in lacagta dib loo celiyo qofka keenay.

“Madaxweynaha wuxuu dareemay in qof ganacsade ah oo magac iyo lacag leh, haddana lacag haddiyad u bixiyey uu doonayo kaliya dhowaansho iyo saameyn siyaasadeed, wuuna ka biyo diiday” waxaa sidaas yiri qof madaxweynaha ku dhow.

Qofka ganacsadaha ah ayaa lagu warramay in markii dib loogu yeeray loona sheegay inuu soo doonta lacagtiisa uu ka biyo diiday, kadibna madaxweynaha uu go’aansaday in abaaraha loogu tabaruco, asagana sidaas loo sheegay.

“Waxaa taleefishinka arrintan looga sheegay in ganacsadaha ogaaado in lacagtiisa abaaraha loogu deeqay oo madaxweynaha uusan aqbalin” ayuu yiri qofka la hadlay Caasimada Online.

Madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa caado u ahaa inay lacag ka qaataan dadka magaca leh iyo ganacsatada, ayada oo dhaqankan uu qeyb ka ahaa siyaasadda Soomaaliya.

Hase yeeshee, qoyska madaxweynaha ayaa ah dad aan arrimahan aqoon iyo qaabkii siyaasadda Soomaaliya u shaqeyn jirtay.

Talaabada madaxweynaha Soomaaliya uu qaaday ayaa mudan ammaan, waxayna caddeyn u tahay sida dowladda cusub isaga ilaalineyso wax kasta oo u muuqan kara in dadka qaarkiisa ku doonayaan in saameyn ugu yeeshaan dowladda.

Waxay sidoo kale astaan u tahay daacadnimada madaxweynaha, waayo ma jirin cid og haddii isaga iyo qoyskiisa ay iska qaataan lacagtaas, hase yeeshee wuxuu muujiyey in haddii aysan shacabka arkeyn uu alle arkayo.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa horey wacad ugu maray inuu la dagaalami doono musuq-maasuqa, islamarkaana dowladdiisu noqon doonto mid shacabka ay la xisaabtami karaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News