25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

XOG: Wasiir Mustaf Dhuxulow oo lagu eedeeyay arrin fool-xun kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraayo eedeymo kulul oo loo jeedinaayo Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukuumada Somalia Mustaf  Dhuxulow oo lagu eedeynaayo inuu u kala eexday Bahda Warbaahinta Maxaliga.

Wasiir Dhuxulow ayaa waxaa la sheegayaa in dhalinyaro aan ku lug laheyn Saxaafada uu ka iibiyay Fiisooyin si ay usoo qaatan Siminaaro, waxaana arrintaasi dhaliilay Idaacadaha qaar iyo weliba Weriyayaal madax-banaan.

Maxamed Dal-jacel oo kamid ah Weriyayaasha ayaa waxa uu Tilmaamay in Wasiirka Warfaafinta uu kala qeybinaayo  Weriyayaasha dhowr sano usoo joogay dhibka iyo Qaxarka waxa uuna yiri ‘’Waa nasiib daro in marba la keeno wasiir cuuryaaminaayo Bahda saxaafada, Dhuxulow waa nin aan wada garaneyno waxa uu Saxafi u yaqaana ruuxii isaga saaxiib la’ah, taasi waa mid cadaalada ka fog’’

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray ‘’Dhowrka Fiiso uu ka helo dowladaha Somalia saaxiibada la ah waxa uu ka iibsadaa shaqsiyaad aan kamid aheyn saxaafada ama Ganacsato, waxa uuna u kala eexdaa Idaacadaha iyo weriyayaasha kale ee ka howlgala Magaalada Muqdisho’’

Mastaf dhuxulow inta uu xilka haayo waxa uu laba jeer Siminaaro u diray laba koox oo kala aaday Adis Ababa iyo Kampala, waxaana ku jiray  dhalinyaro aan kamid aheyn Bahda warbaahinta kuwaasi oo qaarkood la garan la’ yahay halka ay kasoo galeen Saxaafada waxa ayna taasi keentay buuqa iminka ka dhex taagan Wasaarada iyo Idaacadaha maxaliga oo aan qaarkood loo aqoonsaneyn warbaahin.

Dhanka kale, Dhuxulow ayaa waxaa lagu Tilmaama inuu warbaahin u yaqaan Idaacada Dowlada, SNTV iyo Radio kulmiye, kuwaasi oo inta badan farqaha loogu shubo dhaqaalaha iyo Siminaarada dibada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News