Dhageyso: COD si SIR ah looga duubay XAAD oo arrimo xasaasi ah shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ku xog waramay in Madaxda Dowladda Somalia gaar ahaan Taliyaha Nabadsugida iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ugu hanjabeen dil iyo xarig hadii uu ka hadlo tacadiyada ka socda Muqdisho.

Qof la ehela Gudoomiye Xaad ayaa cod sir ak ka duubay Nabadoonka, oo ka hadlaya xaaladda soo wajahday, wuxuuna yiri Maxamed Xaad “Wixii socday wax qaldan ayey ahaayeen laakiin wax ka daran ayaa yimid, waxaa yimid hanjabaad farabadan, dadkii tacadiyada socda ka hadlay, waa la xiray, waa la dhibaateeyay, aniga odaynimo ayaa la iiga leexday, waxaana leeygu yiri hadaadan ka aamusan hoowlgalada socda, waxaan kaa qaadi doonaa tilaabo sidaas darteed waan aqbalay, waana iska aamusay”.

Gudoomiye Xaad wuxuu sheegay inuu cabsi darteed uu iskaga aamusay kadib markii uu xaqiiqsaday in mas’uuliyiin Soomaaliyeed loo xiray kaliya aragtidooda siyaasadeed.

“Madaxweynaha lag soo bilaabo ilaa Saraakiisha Dowladda ayaa ila soo xiriiray, waxayna igu dhaheen afkaaga xir, adigoo raaliya hadaad naga diidanna kaama sii xishoon doono, waan arkaa in Idaacadahii la xiray, siyaasiyiintii iyo dhaqankii xabsiyada ugu xiran yihiin maxaad u hadasheen, markeey halkaas taagan tahay aniga waa aqbalay, waxaana u baqayaa lafaheeyga oo dhibkaan socda kama hadli karo” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Xaad waxa kale oo hadalkiisa ka mid ahaa inay jiraan in dalka ay xukumaan laba dhinac oo ah kuwa muuqda iyo kuwa dadba, ayada oo aan la ogeyn cidda uu ula jeedo kuw dadban.

Si kastaba ha ahaatee, codkaan la helay ee Gudoomiyaha guurtida Hawiye waa sirtii ugu cusleyd ee ka marqaati kacday in Dowladda Somalia ay ku xadgudubtay xoriyada hadalka iyo aragtida siyaasadda.

FG: Waxaan ka xunahay oo ka cudur daaaraneynaa in muddo laba saac ah uu codka Xaad naga qaldamay oo cod kale aan si qalad ah u gelinay, waan saxnay arrintaas. ee hoos ka dhageyso codka xaad

Halkan hoose ka dhageyso codka Xaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com