JAWAARI oo wax uusan filaneynin kala soo kulmay Baydhaba (Maxaa dhacay)

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa maalintii 3-aad ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxmed Cismaan Jawaari, waxaana la sheegayaa in uu kulamo la lee yahay mas’uuliyiin ka tirsan maamulada is khilaafsan ee ka dhisan magaalada.

Jawaari ayaa shaley kulan natiijo la’aan ku soo dhammaaday la yeeshay odayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka lixda gobal ee uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed, wuxuuna u sheegay in ay ka tanaasulaan mowqifkooda ku aadan maamulka lixda gobal.

Malaakh Kuusow Maxamed Maxammuud wuxuu ka mid yahay garabka taageersan Madoobe, wuxuuna ka qeybgalay kulanka isagoona sheegay in wax aan soconeynin uu goobta la yimid Jawaari.

Wuxuu sheegay in mowqifkooda uu cad yahay kaasoo ku aadan in uu meel maro maamulka lixda gobal oo uu ku sifeeyay maamulka shacabka ay doorteyn.

Malaakha waxaa kaloo uu tilmaamay in marnaba aaney yeeli doonin qorshaha dowladda ay ku dooneyso in ay ku meel mariso maamulka seddaxda gobal ee caalamka oo dhan uu taageersan yahay.

Si kastaba, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u tagay siddii uu soo dhammeen lahaa khilaaf ka taagan magaalada iyo runta loo sheego Madoobe Nuunow oo meel istaagan.

Magaalada waxaa horrey ugu sugnaa wafdi wasiiro iyo xildhibaanno kuwaasoo ku howlanaa dhismaha maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiika Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com