Xog: Xaaf oo u muuqda inuu Ahlu-Sunna kag adkaaday loolankii aayaha Galmuudg

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa u muuqda inuu ku adkaanayo loolanka ka dhex-oogan isaga iyo kooxda Ahlu-Sunna oo mar ay xulufo ahaayeen.

Xaaf iyo Ahlu-Sunna ayaa kala tagay markii uu ka war-helay inay madaxiisa kula gorgortameyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo ku qasabtay inuu kasoo jeesto Cadaado, lana heshiiyo dowladda, si uu kooxdan ugu xumeeyo.

Wixii markaas ka dambeeyey waxaa labada dhinac u dhaxeeyey loolan ku aadan cidda hogaamin doonto is-beddelada ka dhacay Galmuudg, sida shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada, taasi oo hadda muuqata in Xaaf uu gacanta ku dhigay.

Madaxweyne Xaaf wuxuu awood iyo sharciyad ka helay heshiiskii isaga iyo ra’iisul wasaare Kheyre taasoo sida muuqata hoos u dhigtay saameyntii Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Xaaf ayaa wuxuu hoggaamin doonaa hannaanka geeddi socodka Galmudug iyo ka bixitaanka marxalada kala guurka, sida ay ku heshiiyeen Kheyre.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhinaca kale hoggaamin doono shirka dib u heshiisiinta ee la qorsheynayo inuu ka dhaco magaalada Hobyo oo ay ku xoogan yihiin beeshiisa iyo beesha uu xulufada la samaystay ee degta Cadaado.

Dhinaca kale, doorashada Galmudug ayaa laga yaabaa inay gaarto illaa dhamaadka July ama horaanta August, marka loo eego howlaha qabyada ee dhiman in la qabto ka hor doorashada sida shirka dib u heshiisiinta.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com