28.3 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Xog: Xaafada laga soo riday madaafiicdii lagu garaacay qaybo ka mid ah Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr hoobiye ayaa shalay ku soo dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Shibis iyo Cabdulcasiis, gaar ahaan agagaarka garoonka Kubada Cagta ee Eng Yariisow, Ex Koonis iyo meelo kale oo Shibis ka tirsan.

Madaafiicdaas oo aan ilaa hada la xaqiijin khasaare nafeed oo ay geesteen ayaa la sheegay iney sababeen burbur iyo cabsi xoog leh.

Ilo wareedyo ku sugan xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in koox dhallinyaro ah oo afka soo duubatay in shalay galab ay dadka xaafdaas dagan ku amreen in ay guryahooda galaan, waxayna kadib halkaas ka tuureen madaafiic.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in muddo ay kooxdaas goobta ku sugnaayeen ka hor inta aysan hoobiyaasha ridin, waxayna awaqti ku dhaw 20 daqiiqo ku bixiyeen in bulshada ay guryahooda ku xareeyaan, si ay qalabkii ay wateen u rakibaan.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahaan ku soo batay madaafiicda maalin cad lagu garaacayo, waxaana toddobaadkaan laba jeer la duqeeyay Garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane ee Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News