Ruushka, Turkiga iyo Iran oo isku raacay inay meesha ka saaraan Bashar Al-Assad

Moscow (Caasimada Online) – Golaha Arrimaha Caalamiga ee Ruushka ayaa filaya in Dowladaha Ruushka, Turkiga, iyo Iran ay gaaraan heshiis, si ay meesha uga saaraan madaxa rajiimka Siiriya, Bashar Al-Assad, islamarkana ay aasaasaan xabad joojin.

Waxay qorsheynayaan in Assad ay ku bedelaan oo ay sameeyaan Dowlad ku meel gaar ah, taasi oo ay ku jiraan mucaradka, xubno rajiimka ka tirsan iyo ciidanka demoqaraadiga ah ee Siiriya ee SDF loo soo gaabiyo.

Golaha Arrimaha Caalamiga ah ee Raashiya, oo lagu yaqaano in ay ku dhowyihiin go’aan gaareyaasha Dowladda Ruushka, ayaa warbixin ku sheegay in urur Ruushka laga leeyahay oo lagu magacaabo Mu’asasada Ilaalinta Qiyaamka Qaranka, oo ku xiran hey’adaha amniga iyo Madaxweyne Vladimir Putin ay ra’yi aruurin ka sameynaysay Siiriya.

Tani waxay direysaa farriin siyaasaded oo cad, waxayna gudbineysaa in dadka Siiriya aysan dooneyn in Al-Assad uu Madaxweyne sii ahaado.

Warbixintu waxay sheegtay, in tan iyo billowgii faro-gelinteedii Siiriya, Moscow ay ka fogaaneysay in ay u muuqato difaacaha Al-Assad. Waxay Warbixintu intaas ku dartay in wadaxaajood lagu soo qaaday in “dadka Siiriya ay go’aanmin doonaan hadii uu talada sii joogayo Al-Assad iyo in kale.”

Ruushka aad ayey dhab uga tahay in uu isbadal ka sameeyo Siiriya, ayey sharaxday warbixinta Golaha Arrimaha Caalamiga ah, keliya mahan in uu difaacista Assad ay ku cuslaatay.

Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS ayaa sharaxday: “Raashiya waxa ay tuhmeeysaa in Al-Assad keliya uusan awoodi waayin in uu wadanka sii hogaamiyo, laakiin sidoo kale hogaanka Siiriya uu Ruushka ku jiidayo wadadii Afghanistan, taas oo aan marnaba suurtagal ka ahayn Ruushka.”

Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in Iran, oo la dhibtooneysa cuneqabateynta Maraykanka, aysan dan ka lahayn in gobolka oo dhan uu xasilooni gaaro, sababtoo waxaa ay isu tixgelineysaa in ay aag ugu jirto Washington.

Wakaaladdu waxay qortay in Moscow ay diyaar u tahay in Al-Assad ay u adeegsato in ay u isticmaasho wada-xaajood damaanad qaadaya danaheeda.

Sida ay baahisay TASS, Al-Assad ma diidi karo dalabka Ruushka, sidas darteed waxaa uu ka dhigay Ruuska in ay maqlaan wixii ay doonayaan maqalkooda, lakiin ugu dambeyntii waxaa dhaqan gelaya dalabka Tehran.

Warka waxaa sidoo kale ku jira in ikhtiyaarka labaad uu ubaahan yahay in dhaman ciidanka shisheeye laga saaro iyo mideynta wadanka kadib marka la gaaro isbedelka siyaasadeed, sida ku xusan Qaraarka Qaramadda Midoobay ee lambarkiisu yahay 2254.

Turkiga ayaa muddo dheer ku baaqayay in meesha laga saaro Bashaar Al-Assad taas oo shuruud u ah in uu soo geba-gabeeyo howl-galadiisa Siiriya.

Marka la eego arrimahan oo dhan, waxaa muuqata in Russia, Turkey iyo Iran-ba ay dani ugu jirto in meesha laga saaro Assad, taasi oo ah waxa hadda la filayo, sida uu sheegay Golaha Arrimaha Caalamiga ah ee Raashiya.