Maxaa ka socday garoonka Bardaale oo keenay in lasoo rido diyaaradii ku dhacday?

Bardaale (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya diyaaraddii African Airways ee shalay si ula kac ah loo soo riday, iyadoo wararku sheegayaan in lagu soo riday qoriga lidka diyaaradaha xili masaafo 5km ugu harsaneyd inay kusoo degto garoonka Bardaale.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa E120 ayaa siday shixnad gargaar daawo ah, waxaana ku nafwaayay lixdii qof ee saarnaa diyaaradda.

Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in duulimaadka diyaaraddaasi ay haysatay ogolaansho wasaaradda duulista DF, iyadoo horay loo wargeliyay maamulka garoonka diyaaraddaha Bardaale, lagana war qabay xiliga duulimaadkaasi uu kusoo wajahnaa garoonka.

Garoonka oo saldhig milateri ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa xiligaasi waxaa ka socday dabrid ay ciidanka ku sugnaa xeradaasi sameynayeen, waxaana hawada xiligaasi soo gashay diyaaradda oo soo wargelisay maamulka hawada. Hase ahaatee si shaki la’aan ah qoriga Zuuga ee lidka diyaaraddaha ay ciidamadii Itoobiyaanka ku rideen iyadoo si sharciga DF waafaqsan u duuleysay.

Dood ayaa ka taagan sababta ay ciidamadii Itoobiyaanka ee dab ridka sameynayay ay si ku talagal ah usoo ridaan diyaarad si sharciga waafaqsan oo ogolaansho ka haysato DF haddane gargaar siday ay usoo ridaan.

Waxaa isweydiinta mudan, yaa qaadanaya eeda iyo mas’uuliyada sababta ay u dhinteen shaqaalihii diyaaraddaasi ku talagalka loo soo eiday, ma Dowladda Itoobiya, mise waxaa dusha u ridan doona AMISOM oo ay ciidamadaasi ka tirsan yihiin mise dowladda federaalka ayaa lagula xisaabtami doonaa maadaama iyado dalka ka taliso, ciidamada Itoobiyana gacan saar aad u fog la leh madaxdeena?.