Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo ka howlgala Xafiiska Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Safiirada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay min hal dhanbaal u gudbiyeen Xafiiska Xasan.
Dhambaalada ayaa la sheegayaa inay khuseeyan Siyaasada Somalia, gaar ahaan doorashada, waxaana lasoo warinayaa in gabi ahaan dhambaalada ay yihiin kuwo Xasan Sheekh looga dalbanaayo inuu ka nasto Siyaasada.
Dhambaalada ayaa sidoo kale la sheegayaa in Wakiilada ay Xasan Sheekh kaga codsadeen in Afarta Sano ee soo socta uu ka fadhiisto Siyaasada iyo Doorashada uu u tartamaayo.
Nuqul kamid ah qoraalada isku midka ah ayaa u qornaa ”Haddii ay dhacdo inaad ku guuleysato waxaad saldhig u noqon doontaa Jahwareer Siyaasadeed, waayo mudada aad hogaamineysay Somalia iyo mudada harsan isma qaadan doonta, waxaan soo jeedineynaa in Afarta sanno ee nagu soo fool leh aad ka nasato Siyaasada”
Sidoo kale, Dhambaalada ayaa waxaa Xasan Sheekh loogu xaqiijiyay in Beesha Caalamka aysan u dulqaadan doonin Jahwareer Siyaasadeed maadaama 4 sano ee soo socta ay ka duwan tahay Afarta lasoo dhaafay.
Dhambaaladaani sida siman u qoran ayaa qalqal Siyaasadeed ku abuuray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo laga dalbaday inuu ka nasto Siyaasada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

