25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog + Magacyada: Xalane oo lagu diiwan galinaayo musharaxiinta madaxweyninimo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho lagu diiwaan galiyo Musharaxiinta u taagan qabashada xil
ka Madaxweyninimo ee Somalia.

Musharaxiinta uu loolanka u dhexeeyo ayaa inta badan heysta dhalasho kale, waxaana arrintaasi ku jahwareeray wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia.

Musharaxiinta ugu badan ayaa heysta dhalashada Canada, halka qaarna ay heystaan dhalashada Mareykanka.

Jahwareerka ugu badan ee heysta Wakiilada Beesha Calamka ka jooga Somalia ee ku howlan diiwaan galinta Musharaxiinta ayaa ah in Musharaxiinta dhamaantooda aysan aheyn Soomaali isla markaana ay heystaan dhalashooyin kale.

Musharaxiinta Laba jinsiyadoodka ama sharciyada heysta ayaa waxaa sharci ahaan ka mamnuuc ah inay isku sharaxaan madaxweynanimada madaama ay haystaan baasaboor aan Soomaali aheyn.

Diiwaan galinta Musharaxiintaani ayaa ah mid ka madaxbanaan tan Doorashada waxa ayna tani u gaartahay Wakiilada Beesha Caalamka oo Somalia u jooga uruursiga Macluumaadka.

Dhinaca kale, Wakiilada ku sugan Xarunta Xalane ayaa qudhooda si hoose u kala taageera Musharaxiinta.

HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARAXIINTA

1-Xasan Sheekh Maxamuud – Somali

2-Sharif Sheikh Ahmed – Somali

3-Cabdiraxmaan Cabdishakuur – British

4-Maxamed Cali Nuur

5-Jabril Ibrahim Abdulle- Canadian

6-Faadumo Dayib – Canada

7-Omar Abdirashid Ali Sharmarke – Canada

8-Abdiweli Sheikh Ahmed – Canada

9-Abdirahman Abdullahi Baadiyow – Canada

10-Dr. Cabdinaasir Maxamed – United States

11-Canab Dahir – United States

12-Dr.Bashir Nuur-Bidaar H Looyan – United States

13-Abdirizak Omar Mohamed – United States

14-Mohamed Abdullahi Mohamed – United States

15-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan – United Kingdom

16-Abdirahman Faroole – Australia

17-Said Abdullahi Dani – Denmark

18-Yassin Maaxi Mallin – Sweden

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News