Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maanta la wareegay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya, waxayna ciidamadaan diideen in lasoo galo lagana baxo xarunta.
Ciidamadaan ayaa ka dhawaajiyey inaan wax mushaar ah, la siin muddo dhowr bil ah, waxayna dowladda ka dalbadeen lacagta ay sheegeen inay ka maqan tahay.
Haddaba Caasimadda Online ayaa soo heshay xog muujineyso Xaqiiqadii lacagtii ciidamada ay maanta sheegeen inay ka maqan tahay, kana dalabadeen dowladda hadda jirta.
Xogta ayaa sheegeyso in mushaarka ka maqan Ciidamada dowladda ay tahay 7 Bil oo ay ku lahaayeen dowladdii waqtigeeda dhamaaday eek a horeysay dowladda madaxweyne Farmaajo. Toddobada bil ee ciidamadan ay doonayaan ay ah toddobadii bil oo billaabatay bishii Janaayo iyo wixii ka horreeyey.
Dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guuleystay inay ciidamada dowladda noocyadooda kala duwan siiso mushaarkooda muddo afar bil oo xiriir ah oo kasoo bilaabaneyso January 2017 sida uu xafladdii Maalinta Dhallinayarada SYL kaga dhawaajiyey Madaxweyne Farmaajo.
Halka Lacagta mushaaraadka ah ee ciidamada ka maqan ay tahay 7 bil oo ka horeyso Bisha January oo kamid ah xilligii dowladdiisa Xasan Shiikh Maxamuud.
Ciidamadaan ayey ku adkaatay inay dhahaan mushaarka naga maqan waa 7 bil oo aan ku laheyn dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna go’aansaday inaysan faahfaahin ka bixin mushaarka ka maqan, maadaama aysan dowladda cusub ee Farmaajo aysan mas’uul ka ahayn xilli aysanba jirin.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla markii lasoo doortay bixiyey mushaarka Ciidamada dowladda bishii ugu horeysay, wixii markaas ka dambeeyana wuxuu u bixinayey mushaarkaas si joogto ah.