Muqdisho (Caasimada Online) – Guul darradii xildhibaan Faarax Cabdulqaadir ka raacday guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose, ayaa musharaxiin badan ay ku farxeen ayaga oo rumeystay inya la macno tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan taageero badan ka haysan xildhibaanada baarlamanka.
Hase yeehee, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in loolanka uu galay Faarax ay ahayd cayaar lasoo dejiyey, oo lagu ogaanayey heerka taageero ee madaxweynaha, balse ay muujisay in taageero badan uu leeyahay madaxweynaha.
Faarax ayaa helay codadka 94 xildhibaan, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in xildhibaano badan oo Xasan Sheekh taageersan aysan Faaarax u codeyn ayaga oo diidan xiriirka labada mas’uul ka dhaxeeya.
“Waxaa jira xildhibaano badan oo madaxweynaha ku nacay xiriirka kala dhaxeeya Faarax, kuwaasi oo arrintaas darteed aan ugu codeyn Faarax” ayuu yiri xildhibaan ka mid ah kuwa beelaha Hawiye, oo Caasimada Online la hadlay, balse codsaday inaan la magacaabin.
“Xildhibaanada Hawiye intooda badan, iyo qaar ka mid ah kuwa beelaha kale, uma codeyn Faarax, ayaga oo diidan xiriirka dhow ee uu la leeyahay madaxweynaha. Marka in Faarax helay 94 cod waxay igu noqotay lama filaan, isma lahayn intaas ayuu heli karaa” ayuu sii raaciyey.
Xildhibaanka ayaa sheegay in haddii 94 xildhibaan ee Faarax u codeeyey ay sidoo kale yihiin xildhibaano taageersan madaxweynaha, ay taas macnahaeedu yahay in madaxweynaha uu haysto xildhibaano ku dhow laba boqol.
Waxaa sidoo kale jirta in xildhibaanada Aqalka Sare ay ka qeyb galayaan doorashada madaxweynaha, lana rumeysan in tiro badan oo ka mid ah uu markii horeba xildhibaano ka dhigay madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa u baahan kaliya 165 cod si uu madaxweyne u noqday, maadaama ay cadahay in wareegga koowaad aan lagu kala baxeyn, wareega labaadna doorashadu noqoneyso cod dheeri.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com