25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Xaqiiqda lagaa qariyey ee shirkadda Takaaful iyo saamiga Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida caadada u ah madaxda Soomaalida inta lagu guda jiro xiliga kala guurka ee waqti dhamaadkooda waxay dadka xigto hoosaadka iyo macaarifta ahba ay ku naaas nuujiyaan hantida shacabka iyadoo loo marayo qaab lasoo alifay oo loogu magac daray shirkaddo magacyo kala duwan leh, kuna xiran dowladda kuwaasi oo shacabka ku dhaca magac dowladeed.

Dowladda waqtigeeda dhamaaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay qandaraas siisay shirkad la magac baxday Takaaful, taasoo madax looga dhigay Maxamed Cabdi Maxamed oo saaxiib dhow yihiin Xasan Sheekh, shirkaddaasi ayaa lacago sharci daro ah kusoo rogtay gaadiidka Muqdisho ka howlgala ee kuwa BL iyo gaadiidka kale ee shacabka leeyihiin, marka laga reebo kuwa dowladda.

Shirkaddan ayaa waxaa waxaa saami 50% ku leh madaxweyne Xasan Sheekh naftiisa, oo qaadan doona qeyb ka mid ah lacag kasta oo shirkaddan ay kasoo xareyso boobka shacabka Muqdisho. Waxaa qeybta kale ee shirkaddan leh Xuseen Cali Salaad oo la dhashay Mahad Maxamed Salad, oo ah wasiiru dowlaha madaxtooyada.

Xuseen Cali Salaad, waa Ganacsade Nairobi dagan in mudo ahna u shaqeynayay ay ICRC, waana ina adeerka Wasiirka Madaxtooyada, waana ninkii iska lahaa markabkii Hubka saaran lagu qaban jiray Mombasa.

Shirkaddan dhiig miiradka ah iyo macaash ka raadiska dadka dhibaateysan ayaa loo sameeyay in lagu naas nuujiyo shaqsiyaad gaar ah iyo saaxiibada madaxweynaha, xiligiisa dhamaaday. Iyadoo sheeganeysa inay tahay  “Islamic Insurance” diinteenana ay xaaraantimeysay in lacag lagu bixiyo Caymis “Wax dhici doona”.

Gaadiidleyda Muqdisho ayaa cabashadooda ku muujiyay dibadbaxyo iyo shaqo joojin ay uga cabanayaan ceymiska qasabka ah ee lagu soo rogay. waxaana loogu badalay jawaabtii ay ka sugayeen mas’uuliyiinta ku habooneyd inay la hadlaan xarig iyo in gaadiid fara badan ay xareysteen ciidamda taraafikada iyo kuwa booliska lagana dalbaday inay xoog ku bixiyaan lacag gaareysa 62.5 Doolar/Bishii oo ah ceymis ay qaadeyso Shirkadda Takaaful.

Qandaraasyadaan ganacsiga cusub ee ku saleysan dhiig miiradka iyo ka macaashka dhibaatada shacabka Soomaliyeed ayaa caadi ka ah dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo muddooyinkaan kusoo xoogeysaneysay in dhamaan adeegyadii dowladda looga baahnaa inay qabato loo gacan geliyo shirkaddo ay leeyihiin xigto hoosaadka iyo dadka ku dhow dhow madaxda dowladda.

Xilligan kala guurka ee ah waqti shacabka laga faa’iideysto waxaa sii kordhaya shirkadaha lacagaha ka sameynaya dadweynaha Muqdisho ee ku xiran dowladda, waxayna ka mid tahay dhaxalka dowladda Xasan Sheekh oo horeba shaqooyinkii wasaaradaha dowladda iyo ilihii dhaqaalaha ugu gacan gelisay shirkado maxali ah iyo kuwa dibadeed oo aan haysan aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News