XOG: Dhaqaatiir loo xiray geeridii Gen. Maxamed Sheikh (Shirqool la dhigay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan iyo shaki ayaa soo baxaya tan iyo markii galabta la xaqiijiyay geerida taliyahii ciidanka booliska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan.

Ciidamada nabad sugida ayaa weeraray isbitaalka UMADDA, halkaasi oo taliyaha ciidanka booliska uu ku dhintay, waxaana ciidamadu ay xireen dhaqaatiir daweynaysay General Maxamed Sheekh.

Labo dhaqtar oo midkooda uu Kenya u dhashay, ayaa caawa la xiray kuwaasi oo su’aalo ay weydiinayaan hay’adda denbi baarista (CID), iyadoo dhaqaatiirta looga shakiyay inay cirbad sun ah ay ku dureen taliyaha.

General Maxamed, ayaa isagoo xanuunsan la geeyay isbitaalka, markii saacado yar uu ku jirayna waxaa la sheegay inuu geeriyooday oo tiisa ay dhamaatay, balse taasi shaki ayay ka muujiyeen hay’adaha sirdoonka DF.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa gudi wasiiro u magacaabay inay baaris ku sameeyaan geerida taliyaha booliiska.

Meydka Taliyihii hore ee Booliska ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer ee ay gacanta ku hayaan Turkiga, halkaasoo lagu baarayo hadii ay jiraan in la sumeeyay iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com