Ra’iisul Wasaare CABDI WELI oo taliye cusub u magacaabay booliska Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id uu goor dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxa uu si KMG ah ugu magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska oo lagu bedelay Allaha u naxariistee General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Taliyaha Cusub ayaa waxaa lagu magacaaba Sareeyo guuto Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) waxa uuna si KMG ah loogu magacabay xilka Taliyaha Booliska Soomaaliyed kadib geeri ku timid saacado ka hor Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Waxa uu xilkan hayn doonaa inta si rasmi ah looga magacaabayo taliyaha booliiska Soomaaliyeed.

Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) oo ah Taliye xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo uu ka mid yahay saraakiisha mudada badan ku soo jiray howlaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa la filayaa inay sii dheereyso khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli, sababta oo ah dastuurka waxa uu dhigayaa in taliyayaasha ciidamada uu magacaabayo madaxweynaha. Waxaa muuqat in Cabdi Weli isna markiisa uu ku xadgudbayo dastuurka.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa safar ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta, oo uu shalay u ambabaxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com