R/W Cabdiweli oo baaraya geerida Gen. Maxamed (Muxuu ka shakisan yahay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa magacaabay Guddiga Wasiiro ah oo ka kooban shan (5) oo beeritaan kusoo sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Waxayna kala yihiin.

1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)
2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)
3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)
4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)
5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin).

Cabdi Weli ma uusan sheegin shakiga laga qbao geerida ee keentay inuu magacaabo guddi soo baara.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in taliyaha uu u geeriyooda wadno xanuun kadis ah oo qabtay, balse waxaa la sheegay in Cabdi Weli uusan arrintaas ku qancin.

Lama qaban waqti ay guddigan baaritaankooda kusoo geba gebeeyaan.

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed mudada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horaantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com