Khilaafka Xasan iyo C/Weli, muxuu ka yiri gudiga dib u heshiisiinta qaranka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka Saciid Cali Maxiyadiin oo ka hadlaayay Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra’isulwasaare C/weli ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in labada mas’uul ay ka heshiiyaan khilaafkooda.

Waxa uu sheegay in Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka ay qaadi doonaan talaabo ku aadan Labada Mas’uul waa haddii ay heshiin waayan labada mas’uul si xal looga gaaro Siyaasadaha is diidan ee mar waliba keena Khilaafka.

Wuxuu tilmaamay in Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka ay qaadi doonaan talaabo ay kuwada hadalsiin doonaan labada Mas’uul balse inta aysan sameyn faragalin looga baahan yahay inay iyaga is xaliyaan.

”Waxaan qaadi doona talaabo labada mas’uul lagu wada-hadalsiin doono, ka gudi ahaan ma jecleysan inaan faragalino khilaafka, balse haddii uu xaalku sidaa kusii socdo waxaa lama huraan ah inaan sameyno faragalin loogu kala garqaadi doono Xassan iyo C/weli”

Sidoo kale, Saciid Cali Maxuyadiin waxa uu sheegay inay Warqad u qoreen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya islamarkaana ay uga dalbanayaan in Khilaafka dhexdooda ah ay Xal ka gaaraan, hadii kale ay soo faragalin doonaan.

Haddalka Xoghayaha Gudiga, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo marba marka xigta uu sii sara kacaayo Khilaafka labada mas’uul ka wada dhexeeya, waxaana isa soo taraayo baaqyada lagu dalbanayo in Khilaafka la xaliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com