Xog: Xasan & CC oo qorshe u degay A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali ayaa sheegaya in Cumar uu Axmed Madoobe ku qanciyay inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayan in Ujeedka imaanshiyaha Axmed Madoobe uu wato Madaxweyne Xassan Sheekh si loo lafaguro muranka ka taagan Gedo.

Imaanshiyaha Axmed Madoobe ayaa loogu gol leeyahay in Muqdisho lagula hadal siiyo Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamuud Yuusuf Aw-libaax oo uu kala dhexeeyo Khilaaf adag.

Sayid iyo Aw-libaax ayaa xalinta Khilaafka xujo uga dhigay in Axmed Madoobe uu u diyaar garoobo in Muqdisho uu kula hadlo, waxaana la tilmaamayaa in la isla gartay in Axmed Madoobe la keeno Muqdisho.

DF Somalia ayaa dooneysa inay goobjoog ka ahaato xalinta Khilaafka labadaasi Mas’uul kala dhexeeya Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Geesta kale, Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamuud Yuusuf Aw-Libaax, ayaa waxay matalayaan xubnaha gobolka Gedo kasoo jeeda ee mucaaradsan maamulka Jubbaland, waxaana la filayaa in labadooda lagu qanciyo xubnaha maamulka Jubbaland ka dhiman.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com