Xog: Xasan iyo Xaadoole oo ka shiray xiisada Daarusalaam + Mowqifka Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo farogeliyey khilaafka beeleed ee ka taagan degmada cusub ee Daarusalaam, wuxuuna qaabilay xubno uu hoggaaminayey Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan golaha shacabka.

Beesha uu kursiga ku metelo Xildhibaan Cismaan Xaadoole ayaa tan iyo markii degmo loo aqoonsaday Daarusalaam waxay bilowday kacdoon, iyadoo dalbaneysa in degmadaas loogu yeero magacii hore ee deegaanka la dhihi jiray ee Ratiweyne.

Guddi ka socda beesha oo xildhibaan Cismaan Xaadoole uu hoggaaminayo ayaa madaxtooyada kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna waxay la wadaageen tabashada ay qabaan, iyagoo ku dooday in Daarusalaam aysan laheyn beesha loo sharciyeeyey.

Caasimada Online ayaa heshay xogta kulanka Madaxweynaha iyo guddiga uu hoggaaminayey Xildhibaan Cismaan Xaadoole, wuxuuna madaxweynuhu u cadeeyey in arrinta Daarusalaam aysan dowladdu waxaba ka qaban karin, maadaama uusan u muuqan qalad ah.

Madaxweynaha ayaa guddigaas u cadeeyey in mudadii uu joogay xafiiska iyo wixii ka horeeyaba uusan wax is qabqabsi ah ka maqlin Daarusalaam, dadkuna ay ku qanacsanaayeen magaca iyo maamulkii ka jiray deegaaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaankaas ay dowladdu kala macaamili jirtay beel gaar ah, isla markaana aysan jirin wax dhib ah oo dowladdu ay ku qabtay amniga deegankaas, maamulka iyo dhaqanka bulshada degan.

In degmo loo aqoonsado Daarusalaam waxaa u ololeeyey siyaasiyiinta iyo ganacsatada beesha Duduble ee Habargidir, kuwaas oo si casri ah u dhistay deegaanka, kadibna gaarsiiyey heer ay dowladda ku qanciyaan inay degmo u aqoonsato.

Sida ay sheegeyso xogta ay Caasimada Online ka heshay kulankaas, Madaxweyne Xasan ayaa guddigii uu hoggaaminaayey Xildhibaan Xaadoole u sheegay in arrintaas aysan dowladdu waxaba ka qaba karin, wax la isku heystana aysan uga muuqan meesha, isla markaana ay tahay in si nabad, walaalnimo iyo niyad sami ah loo qada deganaado.