Xasan iyo Xamza oo isku mari la’ tallabo culus oo Kenya kadib safarkii A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka carootay tallaabadii ay dowladda Kenya dalkeeda ugu fasaxday hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaasi oo Sabtidii gaaray magaalada Nairobi.

Kenya waxay Axmed Madoobe ka caawisay in waxba kama jiraan laga soo qaado waarankii soo qabashada ahaa ee dhawaan ay dowladda Soomaaliya dul dhigtay hoggaamiyaha Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa la sheegay inay deg-deg iskaga wareysteen nuuca ay noqon karto jawaabta dowladda Soomaaliya ee la xiriirta safarka Axmed Madoobe ku tegay magaalada Nairobi, balse waxaa lasoo dusiyay inay go’aan weyn gaari waayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamza waxaa la wariyay inuu qabo in qaadka la joojiyo si cadaadis loo saaro Kenya, in loo yeero safiirka Soomaaliya u jooga magaalada Nairobi iyo in safiirka Kenya u jooga Muqdisho wada-tashi loogu diro dalkiisa.

Laakiin madaxweynaha taas aad uma laqin sida ay ku waramayaan illo ka tirsan Villa Soomaaliya. Joojinta qaadku waxay aheyd hub ay Soomaaliya ku cabsiin jirtay, laakiin maadaama uu madaxweyne Xasan Sheekh dan shaqsi ah ku qaadka maanta isaga ayaa Kenya uga walwal badan inuu qaadku joogsado.

Xamza isagu maadaama uusan faa’iido badan oo shaqsi ah ka helin qaadka, wax fudud oo cadaadis dhalin kara ayay la tahay joojintu. Weli doodda qodobkan ma dhamaanin laakiin dad badan oo dowladda ka tirsan ayaa rejo xumo ka muujinaya in madaxweyne Xasan Sheekh lagu qancin karo joojinta qaadka.

Haddii tallaabadan la qaado oo danaha gaarka ah la iska tuuro oo dan guud lagu dhiso oo dan guud lagu dhiso go’aamada qaranka waxaa yaraan laheyd in meel walba dowladnimada Soomaaliyeed ceeb looga soo miiso.

Dooddii u socotay dowladda federaalka ee la xiriirtay safarka Axmed Madoobe ayaa dhashay in safiirka Kenya u jooga Muqdisho loo dhiibo warqad cabasho ah oo ay Muqdisho ku dooneyso in loo fasiro sida ay arrintan ku dhacday.

Micnaha lagu aaday dhinaca safiirka waxaa la yiraahda “hadda arrinta joojinta qaadku nooma fududa, wixii dhaceyna kuma faraxsanin balse aan xeeladeysano.”