26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

XASAN iyo JAWAARI oo ay meel xun ka mareyso

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka tafan tahay oo xiriirkoodii xumaa muddooyinkii ugu danbeeyay uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, iyadoo ay socdaan qorshe baarlamaanku ku doonayo inuu ku diido heshiiska qaabka doorashada 2016.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan oo hore u watay qorshe muddo kordhin ah ayaa taageero ka waayay madaxweynaha ay hore saaxiibada u ahaayeen, waxaana taas u raacday inuu Xasan Sheekh wato qorshe keligii ah oo uu ku doonayo inuu uga gudbo xilliga kala guurka, dibna xilka u hantiyo.

Labada nin waxay si weyn ugu kala fogaadeen socdaalkii muranka dhaliyay ee Jawaari ku tegay magaalada Dhuusmareeb oo la xaqiijiyay in madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday joojinta socdaalkaasi, balse Jawaari ku gacan seyray. Khilaafka labada mas;uul wuxuu si weyn uga dhex muuuday shirarkii Madasha Qaran ee Muqdisho iyo Kismaayo ka dhacay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad wuxuu ka mid ahaa madaxdii ka hor timid qorshaha doorashada hadda la qaatay, taasoo uu taageero uga heystay Guddoomiye Jawaari.

Qaraarka Baarlamnaanka Soomaaliya ka soo baxay isna waxaa ku cad in heshiis kasta oo Madashu gaarto uu ahaado mid loo dhan yahay, taasoo ka maqan heshiiska cusub oo Puntlabd ka hor timid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News