Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, iyagoo sii wadaya wadahadalkooda. Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu tanaasul sameeyey.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Golaha Samatabixinta ka aqbalay in dib loogu noqdo cutubka 4-aad ee dastuurka oo ah cutubka siyaasadda oo wax walba ku dhan yihii, kaasi oo horey baarlamanka uu wax uga beddelay.
Arrintan ayaa ahayd mid ka mid ah qodobadii ugu xasaasisanaa ee doodda adag ay ka taagneyd, waxaana muuqata in madaxweynuhu markan uga tanaasulay mucaaradka.
Xubno ka tirsan mucaaradka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diyaar u yahay inuu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka, kaas oo uu khilaafku ka taagnaa. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in madaxweynuhu uusan weli go’aan kama dambeys ah gaarin, balse uu qorsheynayo inuu arrintaasi wadatashi kala yeesho hay’adaha ay khusayso.
Natiijada wadatashiyadaas ayaa la filayaa in dib loogu soo bandhigo kulanka soo socda oo lagu wado inuu dhaco 10-ka bisha Agoosto.
Mucaaradka oo ka niyad wanaagsan sidii hore ayaa galabta maqribkii ka dareeray Villa Somalia, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga tanaasulay arrinta dib-u-eegista ama wax-ka-bedelka dastuurka — taasoo uu Xasan Sheekh horey ugu bixiyey xoog, xoolo, xilal iyo waqti badan.
Inkasta oo aan faahfaahin rasmi ah laga soo saarin shirkii u dhexeeyey madaxweynaha iyo mucaaradka, haddana warar hoose ayaa sheegaya in tanaasulka Madaxweynaha ee dastuurka uu yahay mid uu wax uga bedelanayo mucaaradka, gaar ahaan arrinta doorashooyinka.
Qodobada ay mucaaradku kaga soo horjeedaan dowladda federaalka waxaa ka mid ah qaabka loo marayo doorashada iyo guddiga doorashooyinka, oo ay u yaqaannaan “guddi lagu muransan yahay.” Inkasta oo ay aqbaleen in la qabto doorasho qof iyo cod ah, ama ugu yaraan mid u dhow, haddana waxay dalbanayaan dadaal dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo arrintaas.
Sida la sheegay, madaxweynaha ayaa damacsan in mucaaradka looga dhaafo arrinta doorashooyinka, isagoo weli ku adkeysanaya in dowladdiisu qaban karto doorasho qof iyo cod ah — taasoo ay suuragal tahay in uu tanaasulka uu ka sameeyey dib-u-eegistii dastuurka uu uga bedelanayo taageero ama ogolaansho ku saabsan arrimaha doorashada.
Ka laabashada isbeddellada dastuurka ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayaa inuu mucaaradka uga beddesho in ay taageeraan hab-raaca doorashada ee dowladda uu hoggaamiyo.
“Isu-dheellitirka uu madaxweynuhu sameeyay ee ku saabsan dastuurka waxa uu u muuqdaa mid lagu doonayo in mucaaradku ay ka tanaasulaan diidmadooda la xiriira hannaanka doorashada,” ayuu yiri falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho. “Madaxweynuhu waxaa si buuxda ugu go’an in uu hirgeliyo doorasho hal-qof hal-cod ah, waxaana suurtagal ah in tani noqoto qiimaha uu ku bixinayo.”
Soomaaliya kama aysan dhicin doorasho hal-qof hal-cod ah tan iyo sanadkii 1969. Tobannaan sano, dalka waxa uu ku tiirsanaa hannaan dadban oo ku saleysan awood-qaybsiga beelaha, kaas oo odayaasha iyo ergooyinka beelaha ay doortaan xildhibaannada baarlamaanka, kuwaas oo markaas kadib dooranaya madaxweynaha.
Isbeddelka lagu tallaabsanayo ee dhanka cod-bixinta tooska ah waa tiir dhexe oo ka mid ah dadaallada beesha caalamka ee lagu dhisayo dowladnimo madax-bannaan oo ka hanaqaada Soomaaliya, halkaas oo wali ay ka jirto kacdoon hubeysan oo ay wadaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Hase yeeshee waddadaas waxa ay weli wajahaysaa caqabado culus oo dhinacyada farsamada, siyaasadda, iyo ammaanka ah — taas oo sii hurisay shakiga laga qabo suurta-galnimada doorasho qaran oo toos ah.
Dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu qabto doorashooyin toos ah ayaa si is-daba joog ah dib ugu dhacay, taas oo keentay in ay dhacaan marar badan xaalado siyaasadeed oo qalafsan — gaar ahaan rabshadihii dhimashada dhaliyay ee ka dhacay Muqdisho ka hor doorashadii dib loo dhigay ee sanadkii 2022.
Inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo laga soo saaray kulankii ugu dambeeyay ee Villa Somalia, haddana hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa la arkay iyagoo si ka farxad badan sidii hore uga baxaya xarunta madaxtooyada — taasoo loo fasiray inay jirto rajo cusub.