Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kamid ah mucaaradkii hore ula heshiiyay ayaa haatan shir uga socda xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiinta kala ah: Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan oo ahaa mid deg-deg ah ayaa looga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhacdadii maanta lagu joojiyay safarkii ay xubnahan mucaaradka ah ku tegi lahaayeen Baydhabo.
Xasan Sheekh ayaa isku dayaya in xal laga gaaro khilaafka siyaaadeed ee ka soo cusboonaaday deegaannadda Koofur Galbeed, si aysan saameyn ugu yeelan qorshihiisa doorasho iyo heshiiskii uu xubnahan mucaaradka la gaaray.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu u dhaqaaqi doono sidii siyaasiyiinta mucaaradka loogu ogolaan lahaa tagida Baydhabo, inkastoo la ogeyn in Lafta-gareen uu ka aqbali doono Madaxweynaha in xubnahan loo fasaxo safarkooda, maadaama uu isagu amar ku bixiyay in aan loo soo qaadi karin maamulka.
Dhacdadii maanta ayaa haddii ay sii socoto ka dhigan in dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada taabacsan aysan haatan isku aragti ka aheyn hanaanka doorashooyinka socda, isla markaana loo wajahayo doorashooyinkooda.
Guddoomiye Mursal ayaa horey u sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay furitaanka xarunta xisbigooda, si ay uga qeyb qaataan doorashada dadweynaha ee la qorsheeyay in dalka ka dhacdo.
Wuxuu ku dooday in xisbigiisu uu si rasmi ah u diiwaan-gashan yahay, isla markaana uu xuquuq ahaan la mid yahay xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen.
Arrimahan ayaa imanaya xilli, Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.