26.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo caawa la shiraya Mudullood iyo xogta kulankii Xasan iyo Xamza

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Mudullood ayaa la sheegay in caawa uu shir uga socdo Madaxtooyada Qaranka, kulanka waxaa codsaday Madaxweynaha, waxaana looga hadlayaa dagaalka Al-Shabaab.

Kooxda ayaa qabsatay qeybo badan oo kamid ah dhulka Mudullood, waxaana caawa laga tashanayaa sidii dowladda iyo beesha ay isaga kaashan lahaayeen dib u xoreynta deegaanada iyo degmooyinka laga qabsaday beesha.

Madaxweynaha ayaa u yeeray odayaasha uu la kulansan yahay caawa, waxaana socda shir ay albaabadu u xiran yihiin, ilo wareedyo u waramay Caasimada Online ayaa sheegay in beelaha qaar ay qabaan tabashooyin badan oo kulanka caawa ay ku soo bandhigi doonaan.

Madaxweynaha oo maanta ku soo laabtay Muqdisho ayaa shirka odayaasha Mudullood ka hor la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ay ka wada hadleen isku shaandheynta golaha wasiirrada, si wax looga bedelo xaaladda dalka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu saluugsan yahay dhaqada iyo tayada wasiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay wasaaradda gaashaandhigga, waxaana suurtagal ah in wasiir kale loo magacaabo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xiligaan muhiim u ah xaaladda cakiran ee Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in laga fekerayo in loo magacaabo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay in markaan ay ka go’an tahay in wax badan laga bedelo dagaalka Al-Shabaab, masuuliyiin badan ayaa la qorsheynayaa in maalmaha soo socda ay qabtaan xilal muhiim ah, si loo dardar geliyo dagaalka Al-Shabaab.

Taliyaha NISA ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Mahad Salaad, sidoo kale waxaa suurtagal ah in is bedel lagu sameeyo saraakiisha ka hooseysa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, kooxda Al-Shabaab ayaa soo qaaday weerar rogaal celis ah oo culeys badan ay kala kulantay dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News