XOG: WASIIR xilka laga qaaday oo weli mushaar qasab ah ka qaata DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay Caasimada Online ka heshay Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka, ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyada ay qaati kala taagan yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiirka Maaliyada Dowlada uu isku dayay inuu Mushaarka ka jaro Wasiirkii hore ee Amniga C/kariin Xuseen Guuleed, balse uu is hortaagay Madaxweyne Xassan oo sheegay in Guulleed uu sii qaadan doono Mushaarkiisa inta ay taagan tahay Dowladiisu, waxa uuna ka gaabsaday inuu cadeeyo sababta maadaama uu xilkaasi ku qaadan jiray dhaqaale farabadan iminkana aan laga jarin.

Warqad kasoo baxday Xafiiska  Madaxweynaha oo ku socotay Wasaarada Maaliyada ayaa waxaa ku qornaa in Wasiirka iyo Agaasimaha Wasaarada Maaliyada aysan faragalin Karin Mushaarka C/kariin Guulled.

Guuleed ayaa waxa uu qaataa  Mushaar aan xad laheyn, kaasi oo u dhigma lacagtii ay qaadan lahaayen 300 oo Askar ah kana tirsan Dowlada, hayeeshee uu Madaxweynuhu ka biyo diiday  in lacagtaasi laga jaro Guuleed oo saaxiib dhow la ah, kana tirsan kooxda Damu-Jadiid.

Dhanka kale, Lacagaha loogu talo galay Ciidamada Militeriga iyo Booliska ayaa waxa ay si xisaab la’aan ah ugu baxdaa Madaxtooyada, iyadoona Ciidamada qaar aysan qaadan wax Mushaar ah, markii laga reebo Cutubyo ka tirsan Ciidamadaasi oo dano gaar ah laga leeyahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com