XOG: Xasan Sheekh: Beelaha Hawiye iminka ma lahan awood ay ku diidaan Faarax Cabdulqaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyanah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya qorshaha uu doonayo in Faarax C/qaadir uu uga dhigo madaxweynaha maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan Sheekh uusan wax cabsi ah ka qabin diidmada beelaha Hawiye ee qorshahaas.

Xasan oo dhowaan la kulmay xubno aad ugu dhow isaga oo Damu-Jadiid ka tirsan ayaa u sheegay in xiligii beelaha Hawiye ay wax diidi kareen laga soo gudbay, oo maanta aysan awood lahayn.

“Hawiye waqtigii ay diidi lahaayeen Faarax waa laga yimid, dalka hadda awood beel kama shaqeyso” ayaa la sheegay in Xasan Sheekh uu u sheegay xubnihii uu la shiray, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ku sugan Villa Somalia.

Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale ay wararku sheegayaan inuu aad ugu kalsoon yahay iskuna haleynayo awood dhaqaale, isaga ooo aaminsan in lacag lagu furdaamin karo caqabad kasta oo ka hortimaada Faarax C/qaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com