Xog: Hardanka loogu jiro hanashada Soomaaliya

Sida aad kawada dheehan doontaan qormadani waxay wax badan ka iftiimin doontaa hardamada loogu jiro hanashada soomaliya, waxaynu kawada dharagsanahay in qaska iyo jahwareerka kajira dalka soomaliya mudada kabadan 25-ka sanadood ay ka qayb ka yihiin gacmo shisheeya oo aysan dan ugu jirin dawlad ka dhalata soomaliya.

Hadaba qormadani waxay soo bandhigi doontaa qorshayaasha isdiidan ee ay kala wataan quwadaha ku loolamaya dalka soomaliya.

Soomaliya oo ah dal leh khayraad farabadan oo nac walbaba leh ,hadana waxaa usii dheer inuu dhaco dalku joqoraafi ahaan goob muhiim u ah quwadaha ku loolamaya caalamka ayna ahmiyad gaar ah siinayaan,hadaba hadii aan wax ka xusno quwadaha ku loolamaya soomaliya waxaa kamid ah maraykanka,England,,Saudi Arabia,Emarat,iran,turkiga iyo wadama igad la isku dhaho oo ay ugu horeeyaan Kenya iyo itooobiya.

Majirto qorshe cad oo ay ku midaysiin yihiin quwadahaas ku loolamaya dalka soomaliyaa,marka laga reebo in dalwalba uu leeyahay dano isaga gaar u ah.

Hadaba quwadahan an  mid u xusno ,una qaada dhigno qorshaha  ay ka leeyihiin soomaliya.

Qorshaha maraykanka ee soomaliya:

Wadanka maraykanka oo ah quwada ugu xogawayn maantay dunida aan ku nool nahay waxay qaarada Africa  u dajisay qorshe loogu yeero (Africom),qorshahaasi loogu yeero africom waxaa ujeedooyinkiis kamid  ah “Ilaalinta sida loo helayo HYDROCARBONS-ka iyo qorshayasha kale khayraadka ku duugan Afrika, taaso shaqooyinkooda ay ka mid tahay in la sugo ilaalinta waddamada aan awooda lahayn ee africa si hadhow aan cid labaad ula yeelan khayraadka Africa.

Hadaba si qorshahaas u hiraglo waa in wadama Africa loo diido firaaqo ay ku helaan nasniino ama ay uga fakaraan sidii ay khayraadkooda iyagu u maamulan lahaayeen , qorshaha La dagaalanka Argagixisada ayaa ah yool habaabin iyo jahawereer lagu qasayo in laga abuuro qaaradda Afrika xasilooni daro si loo xakameeyo ama loo yeesho khayraadka ku duugan Afrika.

Soomaliya oo kamid ah wadamada qaarada Africa uga tabarta daran waxay kujirtaa wadamadaas awood yar ee uu ilaalinayo maraykanku,siyaasada maraykanka ayaa waxaa kamid ah in uu gacanta ku hayo wadanka soomaliya uuna  kadhigo dal isaga daba dhilif u ah (puppet country ) .

Ujeedka ugu wayn ee maraykanku ka leeyahay soomaliya waa inuu gacanta kudhigo khayraadka dalka iyo inuu saldhigyo ciidan ka dhisto soomaaliya sii ay uga sahlaanaato in uu kormeerto ka noqdo wadama carabta iyo kuwa qaarada afrika.

Qorshaha Ingiriiska ee soomaliya:

Wadanka ingiiriiska oo kamid wadamada gumaystay qaybo kamid ah gayiga soomaliya, waxaa uu aaminsan yahay inuu xaq uu leeyahay in wadamada caalamku ugu danbeeyaan soomaliya ayna gudboontahay in wax laga waydiiyo xal uhelida xaalada qalafsan ee kajirta soomaliya.

Dawlada ingiriisku waxay ka walaacsantahay saamaynta uu dalka turkigu ku yeelanayso soomaliya ,iyadoo lawada ogson yahay xiriirkii fogaa ee dawladii cusmaaniyiinta iyo soomaliya,dawladu ingiriisku waxay tartan ugu jirta in ay qayb lixaadleh ku yeelato ka faa,idyasiga shidaalka dhex ceegaga soomaliya.

Dalka ingiriisku wuxuu doonayaa in aan loogu dhawaan kheyraadkaa muhiimka ah mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

F.G: dalka ingiriisku waa dalkii sida bahalnimada ah uu qaybiyay dhulkii somaliyeed isagoo dhulkii soomali galbeed gacanta u galiyay dalka itoobiyo sanadii 1954,isla sidaas oo kale ayuu dhulka NFD isagana gacanta ugu galiyay dalka Kenya.

Qorshayasha wadamada carbeed:

Saudi Arabia oo ah dalalka ugu uga awooda badan wadamada carabta ayaa ahmiyad gaar ah siinaya soomaliya,xulufada sacuudiga hoogaminaya ayaa waxaa kasoo dhex muuqday dalka soomaliya iyadoo ay soomaliya ogalatay in dhul badeedkeeda ay isticmaali karaan xulufada uu hogaaminayo sacuudigu.

Ahmiyada sacuudiga ee ugu wayn soomaaliya ayaa ah in soomaliya uu ka helo goobo uu weeraro kaga qaadi karo dalka yaman oo ay gacanta ku hayaan kooxda looyaqaan xuutiyiinta oo uu tageero dalka Iran oo ay xurguf kala dhaxayso dalka sacuudiga.

United Arab emirates:  dalkan  ayaa ah dal soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo ay kamid yihiin agabka iyo qalabaynta ciidamada,qaybtina mucaawanooyinka iyo xaga horumarinta sida  goobaha waxbarashada iyo arimaha bulshada.

Wadanka imaraatka carabtu ayay tahay ujeedadiisu sidii uu soomaliya ula yeelan lahaa xiriir wanagsan oo dhanka gacansiga iyo sidii uu maalgashan lahaa dalka soomaliya.

Masar: wadanka masar kuma cusuba saaxad siyaasada soomaliya isagoo tariikh midabo badan ku leh xaalada soomaliya ka aloosan, dagaalkii 1977 dalka masar wuxuu kamid ahaa dalalkii soomaliya isku garab taagtay dagaalki dhex maray soomaliya itoobiya.

Soo laba kaclaynta dalka masar ee soomaliya waxaa sabab u ah muranka u dhexeeye wadamada masar iyo itoobiya ee ka dhashay wabiga niil, sida aynu wada ogsoonahay itoobiya iyo masar waxay wadaagan wabiga niil ,dhawaanahan danbe waxaa soo shaac baxday in dalka itoobiya uu dhisayo biyo xireen wayn, biyo xireenkaas oo laga cabsi qabo inuu samayn ku yeesho awooda biyaha wabiga niil.

Si masar ay ugu taag hesho xal uhelida muranka wabiga niil,masar waxay ubaahan tahay goobo ay weeraaro uga qaadi karto itoobiya hadii ay ka dhaga furaysto joojinta dhisida biyo xiraankaas.

soomaliya waxa ay u tahay bartilmaameedka ay masayr doonayso inay ka dhisato xarumo ciidan oo ay itoobiya weerer uga qaadi karto.

Qorshaha wadamada Igad

Itoobiya: wadanka toobiya ayaa isagu ka leh soomaliya qorshe fog oo ah in dalka soomaliya ay ka dhigto gobol kamid wadanka itoobiya,sida aynu wada ogsoonahay wadanka itoobiya wuxuu kamid yahay wadama ugu dadka badan Africa, wadanka itoobiya maleh bad iyo shidaal farabadan waana sababta itoobiya ay waligeed ugu taamto in dalka soomaliya ay gacanta ugu dhigi lahayd,itoobiya waxay faragalin toos ku leedahay soomaliya iyadoo dhamaan maamulada dalka soomaliya kajira ay sitoos u hoostagaan itoobiya ,waxaa kale oo itoobiya  ciidamo farabadan ka joogan dalka soomaliya.

Kenya: dalkan Kenya wuxuu ka macaamashay burburka dawaladii somaliyeed iyadoo dhamaan hay,adaha qaramada midoobay iyo kuwa kale ee caaalmiga ah eek a hawl; gala soomaliya uu fadhiigoodu yahay dalka Kenya iyadoo Kenya ay ka heshay dhaqaale farabadan.

Qoryaasha Kenya waxa kamid ah in ay sharciyaysato qeyb kamid ah Badda Soomaaliya oo lagu tuhun san yahay inuu shidaal ceegaago.

Qorshaha wadanka iran

Wadanka Iran ayaa sanadihii ugu danbeeyey kuso biiray loolanka logu jiro dalka soomaliya ,iyadoo ciidamada bada iran ay joogan xeebaha soomaliya iyaga oo kamid ah ciidama lagu sheego inay la dagaalamaan burcad badeeda.

Sida aynu wada oganahay dalka iran wuxuu wadaa is baahin uu rabo inuu samayn kuyeesho caalamka, isagoo samayn kuyeeshay wadamada Iraq,suuriya,lubnaan iyo wadanka yemen

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada sirdoonka soomaliya ay magaalada muqdisho kusoo bandhigeen dad lagu sheegay inay madhabta shiicada ka faafinayeen muqdisho.

Dalka Iran wuxuu safarad ka furtay soomaliya sanadki 2011 iyadoo hay,ado laga leeyahay dalka iran ay ka hawl galaan soomaliya.

Qorshaha wadanka turkiga

Wadanka turkiga ayaa kamid ah wadamada ugu dhaqaalaha badan dunida, wadankan ayaa ah wadan muslim  suni ah, waxaa jira xiriir fog oo ka dhaxayn jiray dalka soomaliya iyo dawladii cusmaaniyiinta ee fadhigeedu aha dalka turkiga.

Sanadkii 2012 ayaa lagu xasuusta dalka turkiga gurmadkii uu u fidiyay dalka soomaliya ,xiligaas oo abaaro ba,an ay ka dhacday dalka soomaliya,iyadoo oo dalka  soomaliya uu booqosho kuyimid raysal wasaarihii turkida Rajib Dayib ordagan, boqashada ordagan ayaa indhaha caalamka kusoo jeedashay soomaliya.

Wixiika danbeeyey sanadkii 2012 turkigu wuxuu si toos ah u biilabay  caawinta dadka soomaliyeed isagoo mashaariic farabadan ka fuliyay dalka soomaliya.

Waxaa kamid ah waxqabad yadii turkiga, dhismaha tirminalka madaarka aadan cade,casriyaynta isbitaalki digfeer iyo deeqo waxbarasho oo uu siiyay arday farabadan oo soomaliyeed.

Wadanka turkigu waxaa uu doonayo inuu xiriir dhow la yeesho dalka soomaliya, sii uu hadhow markii dalku dago uu soomaliya ula yeesho xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhinacyo badan la xiriira.

W/Q:Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

Email: geeljire1900@gmail.com