Xog: Shirkii Madasha oo fashil ku dhammaaday

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii madasha wadatashiga ayaa xalay la soo gaba gabeeyayayada oo aan wax heshiis ah la gaarin.

Wax heshiis ah oo lagu gaaray shirkan ayaanan jirin, waxaa masuuliyiinta dhammaantood kuwada heshiiyeen in wada hadalka uu sii socdo. Waxaa kaloo lagu heshiiyay in shirkan kan xiga uu ka dhaco magaalada Muqdisho dhammaadka bishan janaayo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya oo rajo weyn ka qabay in shirkan Kismaayo lagu soo afjaro heshiis buuxa oo lagu gaaray qaabkii aay noqon lahayd doorashada sanadkan 2016.

Nasiib darro waxaa halkaa ku caddaatay in masuuliyinta Soomaaliyeed ay danahooda shaqsiga ah ka hor mariyaan mar walba midda qaran, iyagoo aanan marnaba u tanaasulin rabitaanka shacaka iyo badbaadada qaranka.

Wararka gaarka ah ee Caasimada Online ay haleyso ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu baarlamanka u qorayo warqad dalbaneysa in baarlamanka iyo xukuumadda loogu kordhiyo laba sano, maadaama heshiis la gaari waayey.

Shirarkan oo ahaa nooca marathon-ka loo yaqaan ayaan loo kala kicin tan iyo shalay, waxaana dooda ugu weyn ay ka taagneyd qaabka ay ku imaanayaan Xildhibaanada labada aqal marka la gaaro bisha Agoosto 2016.

Nidaamka 4.5

Maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed ayaa sheegey in ay doonayaan in sidii hore ay wax ahaadaan, isla markaana Aqalka hoose lagu soo xulo 4.5 oo ah nidaamka beelaha Afar beelood iyo beelo badan oo la isu geeyey oo qaybtooda laga dhigey kala bar kuwa kale waxay helayaan.

Aqalka sare ee Shuyuukhda ayey soo jeediyeen in lagu soo xulo nidaamka Dowlad Goboleedka, waxayna ka soo horjeesteen in 18kii ghobol lagu soo xulo sida uu qabo Dastuurku.

Nidaamka Degmooyinka

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa istaagey mowqif ah in Aqalka Hoose deegaan ay ku yimaadaan Xildhibaanadu meelna la iska dhigo Xildhibaano qabiil metalaya.

Jubaland iyo Puntland ayaa sheegay in ay samaynayaan tanaasul oo ah in Aqalka hoose saddex marka loo qaybiyo laba qaybood ay deegaan ku yimaadaan degmooyinka, halka qaybta kale ay ku yimaadaan Beelaha, taas waxay raaciyeen in beelaha laga tirada badan yahay’ sida hadalka loo dhigey’, iyo haweenka loo sameeyo qoondo gaar ah, taas oo ka dhigeysa baarlamaanka mid loo dhan yahay.

Aqalka Sare ee Shuyuukhda ayaa Jubaland iyo Puntland sheegeen in ay arkaan in lagu soo xulo nidaamka gobolada 18 ahaa ee jirey ka hor 1991, taasna aysan jirin meel looga leexdo.

Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.Soomaaliya Xasan Shiikh, Raysalwasaaraha Cumar Cabdirashiid iyo Afhayeenka Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa istaagey mowqif midna ay ku waafaqsan yihiin Galmudug iyo Koonfur Galbeed, midna ay ku waafaqsan yihiin Jubaland iyo Puntland.

Federaalku wuxuu soo jeediyey Aqalka hoose in lagu soo xulo 4.5, halka Aqalka sare ay tahay in lagu soo xulo 18 Gobol.

 

Maqnaanshaha Beesha Caalamka

Furitaankii shirka waxaa Madaxda Soomaalidu ay ku faaneen in maanta Soomaali wada hadleyso, iyada oo aan hal ajnebi ah ku dhex jirin, taasina ay muujineyso biseylka ay gaareen, laakiin nasiib darro wax ka yar 24 saac gudahood ayey ku kala boodeen.

Wejiga labaad

Marka laga yimaado War-murtiyteedka aan macnaha ku fadhiyin ee shirka laga soo saarayo, waxaa muuqata in la wada sugayo in la soo faro geliyo, waxaana shirkaani ku soo beegmey iyada oo ergaygii hore ee Qaramada Midoobey meesha ka baxay kan beddli lahaana aanu weli dalka soo gaarin, halka ergadii kale ee beesha caalamka ee shirka ka qaybgeli lahayd ay Kismaayo isaga huleeleen markii la ixtiraami waayey ballantii shirka loo qabtey ee ahayd 10 Janaayo 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com